Sign in to follow this  
Chimera

collection of somali poets

Recommended Posts

me   

My favorites are:

 

Ismaciil Mire ( The warrior poet) & Cilmi Boodheri (The love Docter)

 

 

If you are really interested, just research those guys work, I promise you, you won't be dissapointed.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Chimera   

wow BOB that's more like it ;) some translation wouldn't hurt no :D

 

but thanks sxb and you 2 ME

 

gonna look up some info on them and their history

 

salaam!

Share this post


Link to post
Share on other sites
BOB   

Haad ka orod dheer

 

 

 

Waxaan huguguf leeyaba dhakhsaan ku hor imaadaaye

Sida halo kareebaan saqdhexe soo horanayaaye

Sida ubadku hooyada u tebo kuu hafeeftamaye

Hadii aanan ku lahayn yartaay kuma haleeleene

Habeenkii yimaadaba lixjeer kuma horjoogeene

Hal abuurka kuumaan tirsheen heeska caashaqa e

 

Bal hor joogsi daayoo anaan haynin aragaaga

Hareertayda ood joogtidbaan ku hami qaataaye

Markaasaan humaagiyo cidlada ku hambalyeystaaye

Hilinkaynu maridoono iyo hooy ku taamaaye

Hagaageena iyo khayr ayaan ku hindisoodaaye

Markaan keligeey haasaawayeen aan islahadlaayo

Ayagoon wax hubinoo ogeyn waxa i heeteeyey

Dadku waxay u haystaan inaan dhigay hugeygiiye

Hadaaq ay wax sheeg-sheegayaan uma haboonayne

Haabkooda may gelin cishqiga hawsha daba taale

 

Inta uu hadhuudhlaha kudaray ama hed soo gooyey

hal-hal tirada waan lagu heleyn an-iyo Haabiile

Anigana haduu igu shakalay hadimadiisiiye

Imikuu u hees yidhi gab'dhaa taan hanteen rabaye

Aniguna hensii kaama lumin u halgankiisiiye

 

Waa waxan hadhuub ugu sitaa hoorka caashaqa e

Waa waxan dhul heegadu martiyo Hodan u geeyaaye

Waa waxan haboow uga jiraa horukac mooyaane

Waa waxan hirdoogliyo caleen ugu horseedaaye

 

Hablahoo dhan keligaa yartaay hibeda laysaarye

Sida hogol kaliishii da'doo milicdu ay-hayso

Ama lebiga hawdoo gugii ubaxu heeryeeyey

Oo haadku dhaafoo shinbiro cimilo goor heesa

Aadmigu ma hilayee dhakhsuu ugu hiloobaaye

Anna xiisahaan kuu hayaa kaba hanaan-dheere

Ninba tuu ka helay buu gabdhaha Hodan ku sheegaaye

Oon heerkastay qurux ka tahay hawlin taa kale'e

Anna dookhu adiguu huwadey kuna hareer yaale

Qaar buu gabdhaha hilibku iyo hugu cusleeyaaye

Adna inaanad haabkaa ahayn hubiyey dhawrjeere.

 

 

Peace, Love & Unity.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this