Che -Guevara

Adan Madobe elected Speaker of Somalia’s Lower House

Recommended Posts

Aadan Madoobe oo amniga doorashada la wareegay, soona rogay amar culus

278831956_310348947942414_63781271388990

278975777_310349534609022_67151639532947

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Soomaaliya mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa si rasmi ah ula wareegay maamulka amniga doorashada dalka, kadib aan caadi aheyn oo uu maanta qaaday.

Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa maanta isugu yeeray dhammaan saraakiisha ugu sareysa ciidamada qalabka sida, kuwaas oo uu la yeeshay shir diiradda lagu saaray xaaladda amniga doorashada dalka.

“Saraakiisha ciidanka ayaa looga digay in aysan ku milmin siyaasadda, amniga doorashadana ay kaga amar qaataan Gudoomiyaha Golaha Shacaka inta lagu jiro marxaladda kala guurka illaa uu dalka ka yeelanayo madaxweyne,” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay golaha shacabka. 

Amarka kasoo baxay Aadan Madoobe ee uu kula wareegay amniga doorashada ayaa imanaya ayada oo la filayo inay bishan gudaheed ku dhacdo doorashada madaxweynaha Soomaaliya.

Doorashadii guddoonka Golaha Shacabka ee uu kusoo baxay Aadan Madoobe ayaa waxaa hareeyey muran xooggan kadib markii taliyaha booliska Jeneraal Xijaar uu isku dayey inuu dib u dhigo, taasi oo ay diideen ra’iisul wasaare Rooble iyo mucaaradka.

Ma cadda haddii saraakiisha ciidamada ay u hogaansami doonaan amarka Aadan Madoobe, ayada oo la ogyahay in intooda badan ay ku xiran yihiin madaxweyne Farmaajo. 

 

Share this post


Link to post
Share on other sites
Arafaat   
On 5/2/2022 at 5:20 AM, Miskiin-Macruuf-Aqiyaar said:

Kenya's energy and petrol minister's husband and an adviser to several presidential canadidates:

 

Maxaa so hex galiyay arimaha Somaliya. 

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.