Miskiin-Macruuf-Aqiyaar

Xulashada guddoonka Gollaha Shacabka

Recommended Posts

Xildhibaanno galay Teendhada Afisiyooni oo ku baaqay in xildhibaannada kale ay yimaadaan

Qaar kamid xildhibaannada Golaha Shacabka ee baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa saaka tagay Teendhada Afisiyooni, halkaasi oo la filayo in ay ka dhacdo doorashada guddoonka Golaha Shacabka.

Xildhibaan Maxamed Abuukar Jacfar, oo kamid ah mudanayaasha galay goobta doorashada ayaa ugu baaqay xildhibaannada kale in ay yimaadaan, isagoona rajeeyay in maanta ay dhici doonto doorashada guddoonka Golaha Shacabka.

“Waxaan joogaa Teendhada Afisiyooni, Xildhibaannada waxaan leeyahay soo dhaqsada. Maanta wax dhaafaya ma jiraan. Musharraxiinta ayaa laga rabay in ay soo dhaqsadaan, walina ma aysan imaanin”, ayuu yiri.

Mudane Jacfay, ayaa intaasi raaciyay in aysan jiri karin xildhibaan la celin karo. Dhinaca kale Xildhibaan Nuradiin, ayaa kamid ah xildhibaannadii galay Teendhada.

Hubanti la’aan ayaa maanta ka jirta qabsoomida doorashada, kaddib markii Ra’iisul Wasaaraha uu faray ciiddanka Midowga Africa ee ATMIS in ay la wareegaan amniga Teendhada Afisiyoone, balse uu ka horyimid madaxweyne Farmaajo.

Tan iyo xalay waxaa soo baxayay warar su’aalo badan gelinaya in doorashada ay qabsoomi karto maanta, maadaama caqabad ay ka taaganyahay sida xildhibaannada ay ku geli karaan goobta doorashada.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in guddoomiyaha KMG ah ee Golaha Shacabka uu liiska xildhibaannada galaya goobta doorashada uu usoo gudbin doono xafiiska Ra’iisul Wasaaraha. Kaddib xafiiska Ra'iisul Wasaaraha marka uu hubiyo ayuu liiska u sii gudbin doonaa howlgalka Midowga Afrika ee ATMIS, kuwaas oo leh amarka ugu dambeeyay ee lagu gelayo madasha doorashada.

Balse madaxweyne Farmaajo ayaa sheegay in Guddiga Amniga doorashada oo uu guddoomiye ka yahay taliyaha ciidanka booliska ay masuul ka yihiin sugida amniga doorashooyinka dalka.

Dhinaca kale beesha caalamka ayaa ku baaqday in geeddi-socodka doorashada lagu soo gabo-bageeyo si nabdoon, iyagoona soo dhoweeyay doorashadii Guddoomiyaha iyo Guddoomiye Ku-xigeennada Aqalka Sare ee qabsooontay 26ka Abriil 2022.

Beesha caalamka waxay ku boorrisay madaxda Soomaaliya inay is-xakameeyaan, khilaafaadkana ay ku xalliyaan isu-tanaasul, kana fogaadaan sii hurinta dhacdo kasta oo waxyeelayn karta dhameystirka geeddi socodka doorashada.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Odeyga warkiisa laguma jiro see u egtahay.What a farce meesha lagu haayaa.

Guddoomiye Dhabancad oo baaq u diray xildhibaanada

Guddoomiyaha ku-meel gaarka ah ee Golaha Shacabka Cabdisalaan Dhabancad oo goor dhaweyd shir jaraa’id ku qabtay hoolka lagu wado inay ka dhacdo doorashada guddoonka Golaha Shacabka ayaa baaq u diray xildhibaanada ka maqan hoolka.

Guddoomiye Dhabancad ayaa ugu baaqay xildhibaanada inay si deg deg ah usoo xaadiraan hoolka si ay u bilaabaan doorashada Golaha Shacabka, oo uu sheegay inay maanta dhici doonto.

Cabdisalaan Dhabancad, oo dhanacyada ay ka taagnaayeen dhowr xildhibaan iyo guddoomiyaha guddiga doorashada golaha shacabka, ayaa ciidamada ammaanka ugu baaqay inay xildhibaanada u fududeeyaan soo gelista hoolka doorashada.

“Aniga iyo xildhbaano kale waxaan joognaa halkii lagu ballamay, waxaa hoolka joogo xildhibaano aan badneyn, waxaana xildhibaanada maqan ka codsanayaa inay soo xaadiraan teendhada, waxaan maqlay in xildhibaano badan jidadka laga celiyey, jidadka waa la furay hadda anaga ayaana codsanay,” ayuu yiri guddoomiye Dhabacad.

Hadalka guddoomiyaha ayaa kusoo aaday xilli inta badan xildhibaanada Golaha Shacabka loo diiday inay soo galaan hoolka, waxaa kaliya hadda gudaha ku jiro xildhibaanada mucaaradka oo watay ciidamo aad u hubeysan.

Xildhibaan Maxamuud Cabdiraxmaan Beenebeene oo katirsan Golaha Shacabka ayaa goor sii horeysay sheegay in Ciidamo Boolis ah ay Xildhibaanada u diideen inay tagaan Goobta doorashada ee Teendhada Afisiyooni.

Qoraal uu Xldhibaanka soo dhigay Bartiisa Facebook ayuu ku sheegay in Mas”uuliyad daradii dalkeenna hogaan kiisa haysatay shantii sano ee lasoo dhaafay ay khaatumadeedii kusii guda jiraan waa sida uu hadalka u dhigay.

War kasoo baxay Saaxiibada Soomaaliya ayaa looga hadlay howlaha Doorashooyinka Dalka gaar ahaan tan Guddoonka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, khilaafaadka taagan iyo Dhinacyada caqabadda ku ah geedi-socodka.

Qoraalka ayaa ugu horreyn lagu soo dhaweeyay Doorashada Guddoonka Aqalka Sare Baarlamaanka Federalka, Beesha Caalamka ayaa ku tilmaamtay tallaabo muhiim ah oo loo qaaday dhanka Doorashooyinka Soomaaliya.

Waxa ay ka digeen qalalaase iyo dib udhac markale dhaawaca geedi-socodka Soomaaliya, Beesha Caalamka ayaa soo jeediyay khilaafaadka siyaasadeed ee jira in xal loo helo si loo dhammeystiro doorashada Dalka.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Whether it happens today or  not, this level of stupidity and disregard of the law, is shocking .

Where are the legitimate ergo from Gedo?

Share this post


Link to post
Share on other sites

The sixth estate had spoken:

Beesha caalamka oo ugu baaqday madaxda Soomaalida inay is xakameeyaan, doorashadana si nabdoon lagusoo gabagabeeyo

Beesha caalamka oo bayaan soo saartay, ayaa ku baaqday in geeddi-socodka lagusoo gababageeyo si nabdoon. Waxyna soo dhoweysay doorashadii Guddoomiyaha iyo Guddoomiye Ku-xigeennada Aqalka Sare ee qabsooontay 26ka Abriil 2022.

Beesha caalamka waxay ku boorrisay madaxda Soomaaliya inay is-xakameeyaan, khilaafaadkana ay ku xalliyaan isu-tanaasul, kana fogaadaan sii hurinta dhacdo kasta oo waxyeelayn karta dhameystirka geeddi socodka doorashada.

“Kadib dib-u-dhacii dheeraa ee uu lasoo kulmay geeddi-socodka doorashada Soomaaliya, waa in aan loo oggolaan xiisadaha siyaasadeed iyo dhacdooyinka amni inay carqaladeeyaan marxaladda ugu dambeysa ee geeddi-socodka,” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay beesha caalamka.

Bayaanka kasoo baxay beesha ayaa kusoo aadaya, iyadoo maanta loo madlan yahay in la qabto doorashada guddoonka barlamaanka, inkastoo uu khilaaf xooggan ka taagan yahay xildhibaannada gobolka Gedo inay ka qeyb galaan doorashada.

Lama oga inay maanta qabsoomi karto doorashada guddooonka barlamaanka, inkastoo guddiga doorashada uu ku adkaysanayo in doorashada la qabanayo.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.