Sign in to follow this  
Deeq A.

Fashil ku yimid doorashadii laga qaban lahaa degmada Eyl ee Gobolka Nugaal

Recommended Posts

Deeq A.   

Waxaa gebi ahaanba fashil ku dhammaaday dadaallo lagu doonayay xallinta khilaafkii ka dhashay doorashada guddoomiyaha iyo guddoomiye ku xigeenka degmada Eyl.

Wasiiro ka tirsan xukuumadda Puntland oo maalmahan ku sugnaa degmada Eyl si ay u xalliyaan dhinacyada ku muransan doorashada ayaa isaga soo tegay halkaas.

Golaha degaanka cusub ee degmada Eyl oo lagu soo doortay doorasho qof iyo cod 25 October 2021 ayaa ku kala jabay khilaafka taas oo fashilisay doorashadii la rabay in Eyl laga qabto.

Sidoo kale golaha degaanka ayaa u kala qayb-san laba musharrax oo isu soo taagay xilka guddoomiyaha degmada Eyl kuwaas oo labaduba ka socda urur siyaasadeedka Kaah.

PUNTLAND POST

The post Fashil ku yimid doorashadii laga qaban lahaa degmada Eyl ee Gobolka Nugaal appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this