Sign in to follow this  
Xargaga

maxaa cirka caadka dabadhigay

Recommended Posts

Xargaga   

Ka Jawaab : Maxaa Cirka Caadka dabadhigay.

 

Magaca Illaahay.

 

Maxaa cirka caadka daba dhigay?

Caadka daruurta daba dhigay?

Daruurta roobka daba dhigay?

Roobka rayska daba dhigay?

Rayska doogga daba dhigay?

Doogga duunyo daba dhigay?

Duunyo caano daba dhigay?

 

Caano subagga daba dhigay

Subagga dumarka daba dhigay?

Maxaa ragga dumarka daba dhigay??

 

Maxaa Somali silica daba dhigay?

Silica Qaxoonti daba dhigay?

Qaxoonti maxaa saboolka daba dhegay?

Maxaa saboolka tuugsiga daba dhigay?

 

Maxaa Somalida qabyaaladd daba dhigay?

Qabiilka maxaa qaranimada daba dhigay?

Maxaa qaranka qab-qablayaasha daba dhigay?

 

Maxaa UDUB-ka UCID-ka daba dhigay?

UCID-ka maxaa fudayd-ka daba dhigay?

Maxaa KULMIYE xeerka daba dhigay?

 

Maxaa UDUB-ka aloolka daba dhigay?

Aloolka maxaa dhigaha is-daba dhigay?

Maxaa dhigaha UDUB-ka daba dhigay?

 

Maxaa doorashada dadaalka daba dhigay?

Dadaalka maxaa dayaca daba dhigay?

Dayaca demmanaanta daba dhigay?

Maxaa dadka dood-xumaanta daba dhigay?

 

Maxaa gabayga Hadraawi daba dhigay?

Hadraawi maxaa gabayga daba dhigay?

Maxaa Gaariye guubaabo daba dhigay?

 

Maxaa S/L-center.com guusha daba dhigay?

Guusha garashada Gabiley daba dhigay?

Maxaa Gabiley geesinimada daba dhigay?

 

Maxaa Halganews.com hannaanka daba dhegay?

Hanaanka maxaa hilowga daba dhegay?

Maxaa hilowga halganka daba dhegay?

 

Maxaa S/L.org Qarannews.com daba dhigay?

Qarannews.com maxaa S/L.org daba dhigay?

Jiirka maxaa bisadda daba dhigay?

Bisadda maxaa jiirka daba dhigay

Maxaa tolow labadaas is-daba dhigay? ( Tom & Jerry ).

 

Maxaa Somaliweyn.com samaanta daba dhigay?

Samaanta maxaa sirta hoose daba dhigay?

Maxaa saaxiibada safaadka daba dhigay?

 

Maxaa Dayniile.com dareenka daba dhigay?

Dareenka maxaa dad-la'aanta daba dhigay?

Maxaa daaray dadkii ficil-darrida daba dhegay?

 

Maxaa Puntland booto daba dhigay?

Booto maxaa baydadka daba dhigay?

Maxaa baydadka boowe daba dhigay?

 

Maxaa Somaliya dagaalka daba dhigay?

Dagaalka maxaa lib-la'aanta daba dhigay?

Maxaa lib-la'aanta heshiis la'aanta daba dhigay?

 

Maxaa ninka ragga ah nacaska daba dhigay?

Nacaska maxaa laynka ( safka ) hore dhigay?

Maxaa Maxamed-dheere naxliga daba dhigay?

 

Maxaa ( Ismaaciil ) Buu-da Baa-da daba dhigay?

Buu-Baa maxaa bahaa-bahaada daba dhigay?

Maxaa bahaada baadinimada daba dhigay?

 

Maxaa ******** isbaaro daba dhigay?

Isbaaro maxaa beeso daba dhigay?

Maxaa Mud******* macno darrada daba dhegay?

 

Maxaa Somaliya silloonka daba dhigay?

Sangaha maxaa Sabeenta daba dhigay?

Maxaa Somaliland Somaliya daba dhigay?

 

Maxaa IId****** Cag-***** daba dhegay?

Cag-****** maxaa IId****** daba dhigay?

Maxaa tolow labada doqon is-daba dhegay?

 

Maxaa Reer Jibouti barjaha daba dhegay?

Barjaha maxaa ijabanaha daba dhigay?

Maxaa ku jaan-qaaday oo jaadka daba dhigay?

 

Maxaa Muslimka Maraykanka daba dhigay?

Muslimka maxaa argagixinta daba dhigay?

Maxaa Argagixinta rayid dhintay daba dhigay?

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this