Sign in to follow this  
Deeq A.

Dagaal culus oo ka socda degmada Diinsoor

Recommended Posts

Deeq A.   

Wararka ka imaanaya Gobolka Baay ayaa sheegaya in saaka dagaal culus ka socdo  degmada Diinsoor.

Dagaalka ayaa sida la sheegayo u dhexeeya xoogag ka tirsan Al-shabaab iyo Ciidamada Itoobiya ee ku sugan degmada Diinsoor ee Gobolka Baay.

Dagaalka ayaa bilowday kadib markii Al-shabaab ay madaafiic ku garaacday saldhiga Ciidanka Itoobiya ku leeyihiin magaalada Diinsoor sida laga soo xigtay goob-joogayaal.

Weli faahfaahin lagama hayo khasaaraha dhimasho iyo dhaawac ee ka dhashay dagaalka labada dhinac.

PUNTLAND POST

The post Dagaal culus oo ka socda degmada Diinsoor appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this