Sign in to follow this  
Deeq A.

Hawlgal dad badan lagu qabtay oo ka dhacay magaalada Garbahaarey

Recommended Posts

Deeq A.   

Ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa hawgal qorshaysan ka fuliyay magaalada Garbaheerey ee xarunta Gobolka Gedo.

Ciidamada Milatariga Soomaaliya oo ay weheliyaan Booliis iyo Nabad-sugid ayaa hawlgalkaas ka sameeyay xaafado ka tirsan degmada Garbahaarey.

Hawlgalka ayaa sida wararku sheegayaan lagu qabtay dad badan oo looga shakiyay kooxaha Al-shabaab kuwaas oo baaritaano lagu hayo.

Wararka qaar ayaa sheegaya in dadkii la qabtay qaarkood damiin lagu sii daayay kadib markii baaritaan dheer lagu sameeyay.

PUNTLAND POST

The post Hawlgal dad badan lagu qabtay oo ka dhacay magaalada Garbahaarey appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this