Sign in to follow this  
nuune

Maah maahooyinka saddex saddexda ah

Recommended Posts

nuune   

waxaa fiicnaan laheed inaan halkan ku soo gogol dhigno wax allaala wixii maah maah ah,maah maah oo dhanna ma ahan,waa maah maahooyinka saddex saddexda u socda ama sadexaalaha ah,hadii aad wax ka haysid nagu soo tuur,

 

aniga ayaa billaabaya,waana kuwan:

 

Saddex lalama colloobo

1.nin cagtaada yaqaan

2.nin codkaaga yaqaan

3.iyo nin ciddaada yaqaan

 

 

Dadku waa saddex ku cirroole

1.minjo ku cirroole

2.madax ku cirroole

3.iyo maan ku cirroole

 

 

Saddex ayaa horumar lagu gaaraa

1.hadal yar

2.hawl badan

3.iyo hogaan wanagsan

 

 

Qofku wuxuu maraa saddex heer

1.mar uu afar ku socdo

2.mar uu laba ku socdo

3.iyo mar uu saddex ku socdo

 

 

hadda bal intaas cantoobso,bal haddaad wax heesana nagu soo halgaad oon kaa qabano.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Haashim   

Nuune sxb inkastoo kuwo kale illowsanahay bal intaan ka warran?

Minaan walax kale helana waa soo gudbaa

 

ILAAHOOW SADDEX LAMA HURAYEE SADDEX HA NAGA GELIN

1. Talo xumo lama hurayee odayga ha naga gelin

2. Cir weyni lama hurayee habarta ha naga gelin

3. Foolxumo lama hurayee gabadha ha naga gelin

 

SADDEX BAA NAAGTA WANAAGSAN LAGU GARTAA

1. Markaad fiiriso inay ku farax geliso

2. Markaad amartana inay ku adeecdo

3. Markaad maqan tahayna inay xoolahaaga iyo nafteedaba kuu xafiddo

 

SADDEX MIDDOOD HADDAY TAHAY NAAGTU KAA DHIMATAY

1. Caloosheed la ciyaar

2. Ma cillaamato

3. Iyo casar seexato

 

 

SADDEX NAAGTA UGA SARREE

1. Da'da

2. Dhererka

3. Xoolaha

 

SADDEXNA IYADU HA KAAGA SARREYSO

1. Quruxda

2. Edebta

3. Qaraabo xiriiriska

Share this post


Link to post
Share on other sites
nuune   

lol muraad,i really like your saddexleey maah maah,laakiin maxaad kuwa naagaha bas usoo xulatay,lol caloosheed la ciyaar,taas waa iga dhimatay ani,baaquli qandha ah ha qur qurisee,aamiin

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this