Sign in to follow this  
Deeq A.

Maxkamada Ciidamada Qalabka sida ee Sooaaliya oo maanta xukun ridday

Recommended Posts

Deeq A.   
3-5.jpg?resize=750%2C430&ssl=1

Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida qaybteeda  Galmudug ayaa xukun ku ridday Askari ka tirsanaa Ciidanka Xoogga dalka, kaasi oo horay Askari kale dil ugu gaystay Galgaduud, gaar ahaan Xerada Ciidanka Gorgor ay ku leeyihiin duleedka Magaalada Dhuusamareeb.

Maxkamadda oo u fariisatay galdacwadeedka iyo eedeeymaha loo haystay Askariga ayaa go’aan kasoo saartay, waxaana lagu soo eedeeyay in uu horay dil ugu gaystay Askari ka tirsanaa Ciidanka Xoogga dalka, kaasi oo lagu magacaabi jiray Nuuradiin deeq Maxamed.

Askariga Xukunka lagu riday oo lagu magacaabo Cabdiraxmaan cabdullaahi Axmed, kaasi oo sida Maxkamaddu ay sheegtay dil u gaystay marxuum Nuuradiin deeq Maxamed ayaa horay loogu soo eedeyay in uu dilka gaystay.

Maxkamadda oo dhageysatay dhinacyada Marqaatiyaasha iyo caddeymaha kale ee lasoo bandhigay, ayay soo saartay go’aan rasmi ah oo ah xukunka lagu riday Cabdiraxmaan cabdullaahi Axmed Tooxow Taagene, oo ah Askariga dilka ku eedeysnaa,waxaana maxkamaddu ay ku ridday 15 sano xabsi ah iyo in uu bixiyo 100 halaad oo ah diyada marxuumkii uu dilay.

PUNTLAND POST

The post Maxkamada Ciidamada Qalabka sida ee Sooaaliya oo maanta xukun ridday appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this