Miskiin-Macruuf-Aqiyaar

Hadda iyo koow

Recommended Posts

Guddoomiyahii Guddiga Doorashada heer Fedaraal oo goordhaw xilkii laga qaaday

Xubno ka tirsan guddiga doorashada heer Fedaraal oo uu shir guddoominaayay guddoomiye ku xigeenka guddiga doorashada heer Fedaraal Mowliid Mataan ayaa xil ka qaadis waxay ku sameyeen guddoomiyahii guddiga doorashada heer Fedaraal Maxamed Xasan Cirro.

Xubnaha guddiga doorashada ka tirsan ee goordhaw shaaciyay iney xilkii ka qaadeen guddoomiye Cirro ayaa gaarayay 18 xubnood oo ka mid ahaa guddiga doorashada heer Fedaraal, waxaana shir guddoon u ahaa guddoomiye ku xigeenka guddiga doorashada heer Fedaraal Mowliid Mataan.

Xubnahan xilka qaadista ku sameeyay guddoomiyahoodii ayaa warbaahinta u sheegay in guddoomiye Cirro uu noqday shaqsi ku dhex milmay siyaasada, musuq maasuq, xil gudasho la'aan, islamarkaana uu ahaa shaqsi aanan la tashan xubnaha kale ee guddiga.

Mowliid Mataan oo ah guddoomiye ku xigeenka guddiga doorashada heer Fedaraal oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in xilkii ay si rasmi ah uga qaadeen guddoonkii guddiga doorashada heer Fedaraal, kadib baaris ay waqti dheer ku sameynayeen.

Si kastaba ha ahaatee xubnaha guddiga doorashada ee maanta xilka qaadista ku sameeyay guddoomiyahii guddiga doorashada majirto cid kale oo ay  u doorteen xilka guddoomiyenimo, waxaana xilka qaadistaan imaaneysa xili arrimaha doorashooyinka dalka ay hareeyeen caqabado badan oo sababay in doorashada lagu tilmaamo mid boob ku saleysan.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Guddoomiyihii guddiga doorashada heer federal oo beeniyay in xil ka qaadis lagu sameeyay

Guddoomiyihii guddiga doorashooyinka heer Federaal, Maxamed Xasan Cirro ayaa beeniyay in xil ka qaadis lagu sameeyey, sida ay sheegeen qaar katirsan guddigiisa.

Maanta ayay ahayd markii xubno katirsan guddiga doorashada ay kasoo muuqdeen shir jaraa’id oo ay ku sheegeen in ay xilkii kaga qaadeen guddoomiye Cirro, iyagoo ku eedeeyay inuu lumiyay madax bannaanidii iyo dhex dhexaadnimadii guddiyada doorashada.

Guddoomiyaha oo caawa warbaahinta gudaha la hadlay ayaa sheegay in aanay jirin wax kulan ah oo ay yeesheen guddiga doorashada oo xilka looga qaaday. 

Cirro wuxuu sheegay in ay doorashada haysato caqabad siyaasadeed oo loo baahan yahay in laga fardumaamiyo, wuxuuna xusay in mar walba weerar lagu yahay madax bannaanida guddiyada doorashad.

“Doorashadu waxay ku socon kartaa inay madax bannaani helaan dadka ka shaqeynaya iyo hannaanka loo marayo. waa sida kaliya ee doorashadu ku socon karto laguna xallin karo wax kasta oo tabasho ah oo ka jira,” ayuu yiri guddoomiye Cirro.

Khilaafka guddiga doorashada heer federal ayaa kusoo beegmaya xilli guddiyada doorashooyinka heer dowlad goboleed ay isku diyaarinayaan in ay qabtaan doorashooyinka aqalka hoose, waxaana laga cabsi qabaa in khilaafkooda uu dib u dhac ku keeno doorashada.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Madaxweyne Farmaajo oo ka digay in wax ka beddel lagu sameeyo heshiiskii 17 Siteembar

Madaxweyne Farmaajo oo ka qeyb galayay sannad guuradii 78-aad ee aas aaskii ciiddanka booliiska Soomaaliyeed, ayaa ka digay in wax laga beddelo heshiiskii 17 Siteembar ee aas aaska u ah hirgalinta doorashooyinka dadban ee Soomaaliya.

Madaxweyne Farmaajo ayaa sheegay in heshiiska 17 Siteembar uu yahay heshiis aad looga fekeray, isagoo sheegay in loo baahan yahay in la iska ilaaliyo in wax laga beddelo.  

Wuxuu madaxweynuhu sheegay in loo baahan yahay in la dardar galiyo doorashada xidlhibaannada aqalka hoose, wuxuuna raysal wasaaaraha iyo guddiyada doorashada ugu baaqay in ay qabtaan doorasho hufan oo lagu qanacsan yahay.

Guddoomiyaha barlamaanka, Maxamed Mursal Cabdiraxmaan oo isna ka qeyb galay sannad guurada ciiddanka booliiska, ayaa mar uu ka hadlayay arrimaha doorashada wuxuu sheegay, sida ay haatan ku socoto doorashada golaha shacabka, in aanay ahayn mid waqti dhow qaadan karta, marka loo eego tirada hartay.

Mursal ayaa sheegay in heshiiska 17 Siteembar oo lagu jihaynayo doorashooyinka hadda socda uu ku egyahay dhammaadka 2021, isagoo sheegay haddii heshiiskaas uu dhaco inuu jiro qodob dastuuriya oo barlamaanka hadda jira u oggolaanaya inuu shaqada sii wato illaa baarlamaanka cusub uu yimaado oo la dhaariyo.

Hadalada madaxweyne Farmaajo iyo guddoomiye Mursal kasoo baxay ayaa kusoo beegmaya, iyadoo hadda uu jiro khilaaf xooggan oo soo kala dhex galay guddiga heer federal ee hirgalinta doorashooyinka.

Siyaasiyiinta mucaaradka ayaa ku eedeeyay madaxweyne Farmaajo inuu ka dambeeyo khilaafka Rooble iyo guddiyada doorashada, sababtuna ay tahay in doorashada la cuuryaamiyo.

Xigasho

Share this post


Link to post
Share on other sites

BAAQ KU SAABSAN DHAB-U-JIHEYNTA DOORASHOOYINKA

269982526_4719859381431836_8726630399784

Diseembar 26, 2021.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo;

Markuu dib u eegay Xeerkii Madaxweyne ee uu ku magacaabay Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble taas oo lagu faray in uu dhiso Xukuumad tayo leh oo dalka u horseedda doorasho nabdoon;

Markuu arkay heshiiskii 17kii Sebteembar 2020 ee ay wada gaareen Dowladda Federaalka, Dowlad Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir kaas oo uu Barlamaanka labadiisa Aqal ansixiyay, Madaxweynuhuna uu kusoo saaray Sharciga Lam. 30 (Law No. 30),

Markuu arkay habraacyadii hirgelinta doorashooyinka iyo xeerarkii lagu dhisay guddiyada heer Federaal, Heer Dowlad Goboleed iyo Guddiga Xallinta Khilaafaadka ee soo baxay 1-dii Oktoobar 2020;

Markuu tixraacay khudbaddii uu Madaxweynuhu ka horjeediyay Golaha Shacabka 1-dii May 2021 taas oo masuuliyadda hoggaaminta doorashooyinka uu u igmaday Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble;

Markii ay u caddaatay in 14 bilood keddib saxiixii Heshiiskii 17ka Sebteembar 2020 in aysan wali dhammeystirmin doorashooyinka dalka;

Markuu arkay inuu Wasiirka Koowaad ka gaabiyay hogaaminta iyo hirgelinta doorashooyinkii uu u xilsaaray Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya sidii ku caddayd khudbaddii uu Madaxweynuhu ka horjeediyay Golaha Shacabka 1-dii May, 2021.

Markii ay caddaatay in Ra’iisul Wasaarahu uu ka leexday dhibbihii hirgelinta doorashada isaga oo kala dhantaalay wadajirka guddiyadii loo igmaday fulinta iyo qabashada doorashooyinka kuna xadgubay madaxbannaanidooda shaqo.

Markuu arkay in Ra’iisul Wasaaraha uu soosaarayo go’aanno kaligiis u gaar ah oo ay ka dhalanayaan caqabdo khatar ku ah geeddi socodka doorashooyinka;

Wuxuu Madaxweynuhu xeeriyay qodobadan;

1. In Ra’iisul Wasaaruha uu gudan waayay waajibaadkii loo igmaday ee ahaa hogaaminta doorasho ku dhisan Heshiiskii 17kii Sebtember 2020 iyo habraacyadii dhammeystirayay ee soo baxay 1-dii Oktobar 2020;

2. Madaxweynuhu wuxuu ku baaqayaa in la isugu yimaado shir wadatashi ah oo lagu saxayo jihaynta doorashooyinka kaas oo ay kasoo qeybgalayaan Goleyaasha Dowladda ee Heer Federaal, Dowlad Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir si la isugu waafaqo hoggaan awood u leh hirgelinta doorasho dhammeystiran oo si hufan dalka uga dhacdo.

3. Madaxweynuhu wuxuu ku baaqayaa in la dhagaysto talooyinka waxgaradka, siyaasiyiinta, iyo bulshada rayidka ah ee qaba tabashooyinka la xiriira doorashooyinka si loo helo hannaan doorasho oo ku dhammaada jawi nabdoon oo loo siman yahay.

- Filla Soomaaliya

Share this post


Link to post
Share on other sites

Mr. 30/30:

Cabdullaahi Maxamed Nuur ma Farmaajo ayuu u galay? s0237.gif s0237.gif

Wasiirka amniga Soomaaliya Cabdullaahi Maxamed Nuur ayaa cambaareyn xooggan kala kulmay inuu maanta Farmaajo ugu yeeray “Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya,” kadib muddo uu inkirsanaa.

Cabdullaahi Maxamed Nuur ayaa kahor inta aan wasiirka amniga loo magacaabin, ee uu socday loolankii u dhaxeeyey Farmaajo iyo mucaaradkii Badbaado Qaran, wuxuu Farmaajo ugu yeeri jiray “Madaxweynihii hore ee Soomaaliya.”

Cabdullaahi ayaa xitaa kasii fogaa xubnaha kale ee mucaaradka oo Farmaajo ugu yeera madaxweynaha muddo xileedksiiu dhammaaday, isaga oo si cad u sheegi jiray inuu si sharci darro ah ku joogo Villa Somalia. Wuxuu sidoo kale ugu yeeray “hoggaamiye kooxeed kaligii taliye ah.”

Hase yeeshee munaasabad maanta ka dhacday Muqdisho, oo loogu dabaal-degayey sanad-guuradii 78-aad ee aas-aaska ciidamada booliska Soomaaliya, ayuu Cabdullaahi Maxamed Nuur ayada oo ay daawanayaan boqoaal qof, wuxuu Farmaajo ugu wacay “Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.”

Hadalkaas ayaa niyad jabiyey dad badan oo taageersanaa wasiirka ama ka mid ah mucaaradka Farmaajo, kuwaas oo aad ugu dhaleeceeyey baraha bulshada.

Waxay ugu yeeraan siyaasi aan mabda’ laheyn, oo wixii uu markii horeba u qeylinayey uu ahaa kursiga, kaasi oo hadda oo uu helay ay ka dhigtay inuu hilmaamo qofkii uu shalay ahaa.

Ka sokow hadalka kasoo yeeray Cabdullaahi, waxaa maalmahan jiray warar sheegaya inuu xulufo la noqday madaxweynaha, oo ka furtay ra’iisul wasaare Rooble oo dagaal xooggan oo la xiriiray magacaabista wasiirka kala kulmay Farmaajo.

Hadalka maanta kasoo yeeray Cabdullaahi Maxamed Nuur iyo wararka suuqa ugu jira waxay tusaale u yihiin in Soomaalida ay ku yar yihiin siyaasiyiin mabda’ iyo qiyam leh, oo dhammaantood ay mucaaradnimadooda iyo muxaafadnimadooda uu saldhig u yahay kaliya kursiga.

 

Share this post


Link to post
Share on other sites
galbeedi   

This Rooble guy must go. Period.

Why interfere with the election commissioners. This indirect election is a disaster for all concerned. The only way to move Somalia forward is a new caretaker prime minister to manage one person one vote in early 2023. 

There is no other way to defeat the opposition. People like C/rahman C/shakuur will never accept the outcome  of this election. 

  • Like 1

Share this post


Link to post
Share on other sites
4 hours ago, galbeedi said:

This Rooble guy must go. Period.

Why interfere with the election commissioners. This indirect election is a disaster for all concerned. The only way to move Somalia forward is a new caretaker prime minister to manage one person one vote in early 2023. 

There is no other way to defeat the opposition. People like C/rahman C/shakuur will never accept the outcome  of this election. 

we need capable,  well thought of Prime Minister, no more m0ry@@N, no more retard,  no more corrupt.

if he comes from opposition or not, does not matter, we need someone to take country to 1p1v.

So much time is wasted, it is 2 years almost since government asked time for 1p1v

Share this post


Link to post
Share on other sites
galbeedi   

Shariif Ahmed could be the next prime minister to guide the country. He rapresents the oppostion and he have enough credibility to get the respect of everyone.

If the premier was accused of looting public land all he should do is accept the investigation launched by the defence minitery. He replaced the defence minister and shut down the inquiry. La ima baadhi karo weeye warkiisu.

This man had damaged the country more than anyone since he was appointed. hE doesn't have a mandate to fire the independent election commissioners ar will.

Gudigii xalinta khilaafaadka iyo kii doorashada ayuu kaladiray. Awoodaas xaguu ka keenay. Haddii la raacayo 17 September cidna wax ma bedeli karto.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.