Sign in to follow this  
Deeq A.

  Xaaladahu markay adkaadaan laba qolo oo bulshada ka mid ah waxba lagama waydiiyo

Recommended Posts

Deeq A.   
Xaaladahu markay adkaadaan laba qolo oo bulshada ka mid ah waxba lagama waydiiyo.
caraale-e1640427076973.jpg
Labada qolo waa dad nuqul oo kolba cidii xukunka haysa u jajaban.
Labada qolo waa laba dabaqadood oo aad u kala tagan. Waa qolo ay lexejeclo baraqa ka saartay oo dano shaqsi ah ilaashada iyo qolo waayuhu ciilay oo toodu asqaysay.
1. Qoolooyinka Ganacsiga eeganay, weliba siday u kala hanti badan yihiin, isbadelka waxba lagama weydiiyo
2. Dadka maatida ahna waxba loo sheegaa ee waxba lama waydiiyo.
Isbedel ka runta waxaa sameeya qolada labadan u dhaxaysa.
Ganacsadatu waa ishood qaatayaal oo kolba kii ay isleeyihiin mala kan baa imanayaa ayey hoos galaan, mana laha waddaniyad dhab ah, waxayse leeyihiin lexejeclo hantiyeed oo dhab ah waana cadawga danyarta iyo nuujiyayaasha kolba ka kursiga fadhiya.

Mohamoud AW Hassan Arrale

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this