Sign in to follow this  
Deeq A.

Muranka Islaam Nacayba oo ka istaadhmay Dalka Faransiiska

Recommended Posts

Deeq A.   

Muranka Islaam Nacayba oo ka istaadhmay Dalka Faransiiska

Students demonstrate against islamophobia outside the campus of the Institute of Political Studies (aka Sciences Po) in Saint-Martin-d'Heres, near Grenoble, on March 9, 2021.
Arday ka dibad baxaysa Prof Kinzler bishii March

Dhowr ka mid ah culimada Faransiiska ayaa ka digay in xorriyadda hadalka ay halis ku jirto kaddib markii bare sare oo u dhashay Faransiiska shaqada laga joojiyay sababo la xiriira muran dhex maray ardayda siyaasadda barata.

Klaus Kinzler ayaa bilooyin waxaa loo heystay eedeymo ku saabsan Islaam nacaybka oo ka dhacay machadka Sciences Po Grenoble.

Machadkan laga barto siyaasadda ayaa shaqada ka tiray macallinkan oo loo heystay erayo aflagaaddo ah. Kaddib murankan, machadka ayaan heli doonin deeqihii lacageed ee la siin jiray.

Laurent Wauquiez, oo ah hoggaamiyaha garabka midig ee gobolka Auvergne-Rhône-Alpes, ayaa sheegay in machadka laga joojin doono lacag dhan €100,000 (£85,000) oo sanadkii la siin jiray.

 

Go’aankan ayaa waxaa si weyn u soo dhoweeyay siyaasiyiin ka soo jeeda Faransiiska, iyadoo keliya ay afar bilood ka harsan tahay doorashooyinka madaxtinnimo ee dalkaasi.

Balse machadkan siyaasadda ayaa sheegay in lacagta laga goostay ay tahay mid siyaasad ahaan la soo maleegay isla markaana ay saameyn ku yeelatay ardayda la daalaa dhacaysay inay iska bixiyaan kharashaadka waxbarashada.

Afartan qof, oo badankood ay culimo yihiin, ayaa haatan saxiixay warqad furan oo loo dirayo Wasiirka Tacliinta Sare Frédérique Vidal, iyagoo ka digaya in xorriyadda hadalka ay halis ku jirto.

Macallinka Kinzler, oo muddo bilooyin ah ay heysteen koox ardayda dhigata siyaasadda ah ayaa waxay ku eedeeyeen Islaam nacayb.

‘Xero dib loogu baranayo siyaasadda’

Midowga garabka bidix ayaa macallinkan ku eedeeyay Islaam-nacayb, balse arrinta ayaa weji cusub yeelatay bishii March kaddib markii dhismaha machadka Grenoble lagu dhejiyay boorar hanjabaad dil ah.

Madaxa waxbarasada siyaasadda ee machadka, Sabine Saurugger, ayaa sheegtay inay dhowr jeer ka codsatay macallinka inuusan arrintan kala hadlin warbaahinta, balse uu wareysyo dhowr ah siiyay bishan dhexdeeda, isagoo machadka ku eedeynaya inuu yaha “xero dib loogu baranayo siyaasadda”.

Qareennada macallin Kinzler ayaa sheegay in lagu qasbay inuu hadlo kaddib markii weerar siyaasadeed lagu so qaaday.

Ms Saurugger ayaa wrageyska Le Monde u sheegtay in maamulku uu garwaaqsan yahay in ninkan lagu soo qaaday weerar. Si kastaba waxay sheegtay inuu meel uga dhacay machadka.

Iyadoo bisha April la filayo inay dalkaasi ka dhacdo doorashada madaxtinnimada, ayaa murankan wuxuu sababay doodo siyaasadeed. Musharraxiinta xisbiyada midig-fog ayaa taageeray go’aanka machadka looga jaranayo maalgelinta

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this