Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweyne Farmaajo oo ka hadlay dagaalka Boosaaso

Recommended Posts

Deeq A.   
FB_IMG_1640211175754.jpg?resize=720%2C53

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa qoraal uu soo saaray ku sheegay in uu ka tiiraanyaysan yahay shaqaaqada iyo dagaalka ka socda magaalada Boosaaso.

Madaxweyne Farmaajo ayaa ku baaqay in si degdeg ah loo joojiyo gacan ka hadalka, lana abbaaro dhabbaha nabadda si loo helo xal waara.

Madaxweynaha wuxuu tacsi u diray ehelada iyo qaraabada dadkii ku geeriyoodey shaqaaqadan, wuxuuna dadkii ku dhaawacmay Alle uga baryay in uu degdeg ugu booga dhayo.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa tilmaamay in uu dhiirrigelinayo dadaallada nabadaynta iyo wadahadalka ku dhisan ee ay wadaan isimada iyo dhaqanka Puntland ee u istaagay sidii loo joojin lahaa shaqaaqadan, looguna danayn lahaa xasilloonida deegaanka iyo danta bulshada reer Puntland.

PUNTLAND POST

The post Madaxweyne Farmaajo oo ka hadlay dagaalka Boosaaso appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this