Sign in to follow this  
Deeq A.

Wasiir Dabaal ku qaadatay 12 saacadood isku badbaadiyay

Recommended Posts

Deeq A.   

Wasiir Dabaal ku qaadatay 12 saacadood isku badbaadiyay

.
Wasiir Serge Gelle

Wasiir ka tirsan xukuumadda Madagascar ayaa sheegay in uu dabaashay muddo 12 saacadood ah, si uu isku badbaadiyo kadib markii diyaarad uu la socday ay ku burburtay badda, xilli ay ku guda jirtay howlgallo samatabixin ah.

“Ma ahan waqtigii aan dhiman lahaa,” ayuu yiri Serge Gelle oo ah wasiirka booliiska oo uu daal badan ka muuqday, kadib markii uu soo roonaaday.

Labo sarkaal oo kale oo dhanka ammaanka ah oo la socday diyaaradda helicopter-ka ayaa sidoo kale ka badbaaday shilka.

Kooxdan ayaa indha indheyn ku sameyneysay deegaan ku yaalla waqooyi bari ee dalkaasi oo ay ku degtay doon nooca rakaabka ah.

Ugu yaraan 39 qof ayaa ku dhintay shilkaas, sida ay saraakiishu sheegeen.

Madaxweyne Andry Rajoelina ayaa bartiisa Twitter-ka ku sheegay, in uu u baroor diiqayo dadkii ku dhintay shilkaas, waxa uuna sidoo kale amaan u jeediyay Mr Gelle iyo labada sarkaal ee kale oo gaaray magaalo xeebeedka ee Mahambo.

Ma cadda sababta uu shilkan u dhacay, laakiin Mr Gelle, oo 57 jir ah, ayaa sheegay in shilka kadib uu dabaashay “7:30 habeennimo, ilaa 7:30 subaxnimo,” isagoo u socday magaalada Mahambo.

 

Waxa uu sheegay, in uusan wax dhaawac ah soo gaarin balse waxa uu intaa ku daray in uu qabow badan dareemayo.

“Waxaan jeclaan lahaa inaad sii dayso muuqaalkan, si ay qoyskaygu u arkaan, asxaabtaydana u arkaan, xubnaha dawladdana u arkaan. waan noolahay waanan wanaagsanahay,” ayuu Mr Gelle u sheegay dadka deggan Mahambo.

Taliyaha booliska Zafisambatra Ravoavy, ayaa u sheegay wakaalada wararka ee AFP in Mr Gelle uu u adeegsaday mid ka mid ah kuraasta helikobtarka sida qalab sabbeynaya.

“Wuxuu waligiis lahaan jiray adkeysi weyn xagga isboortiga, wuxuuna sii waday ciyaaraha isagoo wasiir ah, sida in u 30-jir yaha,” ayuu yiri Mr Ravoavy.

Mr Gelle ayaa soddon sano ka tirsanaa booliska, kahor inta aan xilka wasiirnimo loo magacaabin bishii Ogoosto ee sanadkan.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this