Sign in to follow this  
Deeq A.

kiiskii furriinka ahaa ee ugu weynaa ee abid soo mara taariikhda Britain+Sida loo soo afjaray

Recommended Posts

Deeq A.   

kiiskii furriinka ahaa ee ugu weynaa ee abid soo mara taariikhda Britain+Sida loo soo afjaray

Sheikh Mohammed Bin Rashid Al-Maktoum iyo Princess Haya Bint Al-Hussain
Sheekh Maxamed Bin Rashid Al-Maktoum iyo xaaskiisii hore, Princess Haya Bint Al-Hussain

Waxaa lagu tilmaamay kiiskii furriinka ahaa ee ugu weynaa ee abid soo mara taariikhda Britain – waxaa lagu xalliyay lacag dhan £500m, wuxuuna ku saabsan yahay Amiirka Dubai iyo xaaskiisii hore.

Maxkamad ku taalla UK ayaa Talaadadii soo saartay xukun ay ku amreyso in lacag dhan £251.5m oo magdhow ah la siiyo Princess Haya Bint Al-Hussain – oo ah gabadha 47 jirka ah ee uu dhalay boqorkii hore ee Urdun, Boqor Xuseen.

Waa haweeneyda ugu yar ee ka mid ah lix xaas oo uu yeeshay Sheekh Maxamed Bin Rashid Al-Maktoum – oo ah bilyaneerka maamula Dubai, ahna Ra’iisul Wasaaraha Imaaraadka Carabta, sidoo kalena milkiile ka ah tartanka Fardaha oo uu saameyn weyn ku yeeshay.

Garsooraha maxkamadda ayaa lacagta u xukmiyay Princess Haya si ay ugu dabbarto kharashka labo guri oo ay ku iibsatay malaayiin gini, kuwaasoo mid ka mid ah uu deris la yahay Qasriga Kensington ee magaalada London. Dhismaha kale ayaa ah hoygeeda ku yaalla Egham, Surrey.

Waxaa kale oo jira kharash loogu talogalay “miisaaniyadda amniga”, damaashaadka fasaxyada, mushaarka iyo hoyga labadeeda shaqaale, gawaari qafilan oo loogu talogalay qoyska iyo lacagta ku baxeysa xannaaneynta xayawaanka guriga lagu dhaqo.

Sidoo kale lacag dhan £5.6m ayaa sanad kasta la siinayaa labadeeda carruurta ah, oo kala ah gabadheeda 14 jirka ah iyo wiilkeeda 9 jirka ah. lacagahan ayaa lala bixin doonaa dammaanad qaad gaaraya £290m.

‘Cabsida u qabto nolosheeda’

Dagaalkan maxkamadda ee soo jiitamayay muddada dheer ayaa bannaanka soo dhigay xaaladaha qarsoonaan jiray ee ku saabsan qoysaska boqortooyada ku taalla Bariga Dhexe.

Princess Haya ayaa ka baxsatay Dubai sanadkii 2019-kii, iyadoo labo carruur ah oo ay u dhashay amiirka la tagtay Britain, waxayna sheegtay in ay u baqeyso nafteeda kaddib markii ay ogaatay in Sheekh Maxamed uu horay u afduubtay labo ka mid ah gabdhihiisa – oo kala ah Sheekha Latifa iyo Sheekha Shamsa – kuwaasoo uu dib ugu celiyay magaalada Dubai iyagoo aan raalli ka ahayn.

Sheekh Maxamed, oo 72 jir ah, ayaa beeniyay afduubyada – inkastoo uu jiro xukun ay maxkamad ku shegetay 2020-kii inay suuragal tahay dhabnimadooda.

Waxa uu daabacay gabay uu tirayay oo uu magac uga dhigay, “Waad nooleyd, Waad dhimatay”, kaasoo dad badan ay u fasirteen inuu ugu hanjabayo amiiradda kaddib markii uu ogaaday inay xiriir la leedahay waariyaheedii hore oo ah askari horay uga tirsanaa militariga Britain.

Princess Haya ayaa wali heleysay farriimo handadaad ah kaddib markii ay tagtay Britain, mid ka mid ah farriimahaasna waxaa lagu yiri: “waan kuugu imaan karnaa meel kasta” tan iyo xilligaas wixii ka dambeeyayna waxay lacago badan ku bixisay sugidda amnigeeda iyo iyo amniga carruurteeda, maadaama ay ka baqeysay in la afduubo oo lagu celiyo Dubai.

Princess Haya Bint Al-Hussain

XIGASHADA SAWIRKA,REUTERS

Qoraalka sawirka,Princess Haya waxay Dubai ka baxsatay 2019-kii

Maxkamadda sare ayaa sanadkan soo saratay xukun ay ku sheegeyso in Sheekh Maxamed uu si sharci darro ah u jabsaday telefoonnada Princess Haya, waardiyeyaasheeda iyo kooxda u qaabilsan dhinaca sharciga.

Jabinta telefoonnada ayaa loo adeegsaday barnaamij spyware ah oo lagu magacaabo Pegasus, waxaana soo saaray shirkadda NSO Group oo laga leeyahay Israa’iil.

Sheekh Maxamed ayaa dhankiisa sheegay in uusan heysanin qalab uu wax ku jabsado, sidoo kalena aysan jirin wax kormeer ah oo la sameynayay. Hase yeeshee madaxweynaha Maxkamadda Sare ee kala saaridda Qoysaska ee UK ayaa sidaas si ka duwan helay.

Xukunka furitaanka ayuu Mr Justice Moor ku go’aamiyay in iyadoo la eegayo xukunnadii hore ay amiiradda iyo carruurteedaba ahaayeen kuwo nugul. Waxa uu dalbaday in la xaqiijiyo amnigooda inta ay ku sugan yihiin UK.

Halista ugu weyn ayuu sheegay in aysan ahayn mid dibadda uga imaaneysay balse ay tahay mid uga imaaneysay aabahood, oo ah nin awood sare leh.

 

Sheikh Mohammed Bin Rashid Al-Maktoum
Sheekh Maxamed oo 72 jir ah, waa Ra’iisul Wasaaraha Imaaraadka Carabta

Garsooraha Maxkmadda sare ayaa sheegay inuu wixii karaankiisa ah u sameeyay si uu go’aan macquul ah u gaaro, iyadoo la ogyahay “nolosha qaaliga ah ee ay carruurtan ku jireen marka ay aabahood iyo hooyadood is qabeen”.

Waxa uu sheegay in “taas ay kiiskan ka dhigtay mid gebi ahaanba aan caadi ahayn”.

Qareennada u doodayay Princess Haya ayaa ku adkeystay in aysan waxba ka sheeganin mustaqbalkeeda balse lagu eedeynayay kharashka xad dhaafka ah ee ay isticmaaleysay.

Sheekh Maxamed ayaa sheegay in waxyaabihii dhaxal ahaanta loo siiyay xaaskiisii hore loo diri doono. Waxaa qalabkaas ka mid ah kabo ay siiyeen Dame Margot Fonteyn iyo Rudolf Nureyev oo ka mid ah dadka ugu caansan caalamka ee qoob ka ciyaarka sameeya.

Waxa uu sidoo kale sheegay in uu tirtiray gabaygii uu online-ka geliyay, oo amiiraddu ay u qaadatay mid loogu hanjabayo nafteeda.

Amiirka Dubai ayaa sheegay in uusan wax dhibaato ah la damacsaneyn amiiradda.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this