Deeq A. Posted December 20, 2021 Madaxweynaha Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta Gareeen, ayaa beeniyay wararka ku saabsan in ay jiraan beelo laga boobay kuraastoodii Baarlamanka Soomaaliya. Madaxweynaha Koonfur Galbeed ayaa sheegay in beel kasta ku soo baxday kuraastii ay ku lahayd Baarlamanka, sidaas darteedna aysan jirin wax boob ah oo ka dhacay doorashada hadda socota. Cabdicasiis Lafta Gareen ayaa sidoo kale tilmaamay in uusan fahmin micnaha laga wado boobka doorashada, maadaama kuraas kasta loo doortay dadkii ka socday Beesha saamiga kursiga leh. Hadalkaas ayuu ka sheegay munaasabad xalay lagu xusayay sannad-guuradii saddexaad ee ka soo wareegtay markii isaga loo doortay Madaxweynaha Koonfur Galbeed. Halkaan ka daawo hadalkiisa PUNTLAND POST The post Lafta Gareen: Ma jiro wax boob ah oo ka dhacay doorashada appeared first on Puntland Post. Share this post Link to post Share on other sites