Deeq A. Posted December 6, 2021 Shir Nabadeed ayaa saaka ka furmay degmada Yagoori oo ka tirsan Gobolka Sool. Shirka oo u dhexeeya labada beelood ee jaamac Siyaad iyo Ugaadhyahan ayaa lagu xallinaya shaqaaqooyin horay u dhexmaray labada dhinac. Shirka waxa si rasmiya u furay Garaad Jaamac Garaad Ismaaciil waxaana ka qayb-galaya Isimada iyo ergooyin ka socda labada beelood. Wixii ka soo kordha shirkaas kala soco Puntland Post The post Shir Nabadeed oo ka furmay degmada Yagoori ee Gobolka Sool appeared first on Puntland Post. Share this post Link to post Share on other sites