Sign in to follow this  
Haashim

Erayada Lammaanaha, Somali Double Words

Recommended Posts

Saabir   

looooooooooooooooooooooooooooooool@Jamaal-11

 

at the beginning I didn't understand what u meant but I got it later !!! Nice one :D

Share this post


Link to post
Share on other sites
Blossom   

Muraad walaal aniguna intan ayaan idinka darsan bal:[*]Abaar iyo aaran

[*]Abees iyo masgood

[*]Amakaag iyo Afkalaheyn

[*]Amakaag iyo yaab

[*]Beerkiyo Wadnaha

[*]Billis iyo Jareer

[*]Boob iyo dhac

[*]Boqor iyo Dhacle

[*]Faras iyo Geenyo

[*]Gaajiyo Haraad

[*]Gaaliyo Islaam

[*]Geeriyo noolol

[*]Gudcur iyo caddo

[*]Gudin iyo Hangool

[*]Guluf iyo colaad

[*]Hadh iyo Habeen

[*]Hayiin iyo diyiin

[*]Hoog iyo heeydaro

[*]Il iyo Carab

[*]Ileeys iyo Cadceed

[*]Jin iyo insi

[*]Jin iyo jaan

[*]Kas iyo Kama'

[*]Kir iyo kud!

[*]Marwo iyo mudanne

[*]Meel daran iyo reero muskood

[*]Miyir iyo xasilaan

[*]Nabad iyo colaad

[*]Nidar iyo wacad

[*]Qas iyo qalalaase

[*]Qori iyo Qiiqiis

[*]run iyo been

[*]Salli'I iyo fudeed

[*]Saxansaxo iyo udgoon

[*]Sinaan iyo cadaalad

[*]Ufo iyo hilaac

[*]Uruggo iyo ciil

[*]Wareeg iyo waabo tiris

 

Mid kale ku noqo qoraalkaaga ugu horeeya, meesha aad leedahay " Qoor iyo xero" Miyaynan ku habooneen in aad tidhaahdo: Qoodhey iyo xeradey? Ileen markuu qofku akhriyo qoor iyo xero wuxuu is odhanayaa Qoor= neck? maaha

Good Insha Allah wax kale haday madaxeyga ku soo dhacaan waan ku soo qoro.

 

Nabad iyo Farxad!

Share this post


Link to post
Share on other sites
Haashim   

THANKS BLOSSOM, YOU GOT IT, hALKAAS KA SII WAD,

 

SIXIDDAADII WAA KU MAHACSANTAHAY, QOODH IYO XERO AYAA KU FIICAN. WAAYO QOODHAA IYO XERADAA WAA MARKA LA SITICMAALAYO, INNAGU ASALKA KEMADDA AYAAN RABNAA, MARKA LA ISTICMAALAYO WEY KA DUWANAANKARTAA. LAAKIIN WAXAAN KA BAQAY IN KUWA KALANA AY NOQOTO INAAN BEDDELO SIDA CIRIB=CIDHIB

BARAARE=BADHAADHE IWM, SI KASTABA HA AHAATEE WAA

IN QOFKASTA LA SAXO SI MEEL DHEXE LA ISUGU YIMAADOOO GOBOLLADA SOOMAALIYOO DHAN AQBALIKARAAN.

 

MAGACII LABAAD WALI LAMA HELIN MIYI YIO MAGAALO IYO ...........

Share this post


Link to post
Share on other sites
Blossom   

Salaama Muraad:

 

Ereyada qaarkood waa qaadan karaan Ra'da ama dha'da, Badhaadhe ama Baraare etc inkastoo Badheedhe ay igula haboontahay. Qaarna runtii maadama hal gobol looga isticmaalo, badalida ereyga Ra' ama Dha'da waxay badashaa Micnaha ereyga. Waxaan aniga ila haboon runtii in erey walba loo daayo originally meeshuu ka yimid, Waligeey maan arag qof reer koofur ah oo isticmaalaya dhaarta "qoodhey iyo xeradey inaan saas la yeeleyn" can you imagine qof reer xamar ah oo leh "Qoortey iyo xeradey saas ma la suubihaayo" smile.gif lol

 

Filimda ma noqon karaan:

Miyo iyo Magaalo

Dan iyo xargo

Also Cali maax iyo Cawrala filim buu ahaa ayaan filayaa.

 

Waan ku faraxsanahay in aad runtii ururin kula jirto af somaliga. Halkaa ka sii wad walaal dadaalka aad kula jirto afkeena hooye ee qaaliga ah. Wixii aan ku dari karona waan ku doo dari, inkasta oo erayada intoodii badneyn aad idinkii naga hooreeyey keenteen.

Talk to you later bro.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Haashim   

Yes, BLOSSOM, waad heshay jawaabtii DAN & XARRAGO iyo MIYI IYO MAGAALO ayey ahaayeen labadaan raadinayey, halkaasna waxaad ka garaneysaa in erayada lammaanuhu ay qayb weyn kaga jiraan suugaanta soomaalida.

Arrinta rada iyo dhada sheekadeedu waa dheeraaneeysa laakiin qof walba sidii la qumanaata ayuunbuu u qaadan midda QOODHAA IYO XERADAA waa marka la isticmaalayo lammaanaha QOOR IYO XERO innaguna waxaan raadineyney asalka kelmadda ee ma eynaan raadineyn marka la isticmaalayo. Erayo badan oo af soomaali ah ayaa asalkooda (qeybta danbe) iska beddela marka loo isticmaalo FAL AMA TILMAAME IWM. Marka qoortii ayaa isubeddeshey qoodhaa iyo xeradaa markii loo isticmaaley LAHAANSHO. (QOOR= QOODHAA markii loo istimaalo lahaansho.)

QOOR IYO XERO waxey la micna tahey xilo iyo xoolo

marka qoortani maaha tii surka ahayd ee waxaa laga wadaa xaas, caruur iwm xerana waxaa laga wadaa xoolaha xerada gala ee lagama wado xerada lafteeda. sidaa darteed bey reer muduggu marmar u yiraahdaan qoor iyio xero beel, ama qoor iyo xero waa iwm. Meesha ugu badan oo kelmaddaan laga isticmaalaana waa mudug sidaan filayo.

Waxaan filayaa intaasi faahfaahin ku filan haddii aan khaldanaheyna ha la i qabto hadal waa margi oo marba meel buu u jiidmaaye.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this