Miskiin-Macruuf-Aqiyaar

Why loogu horistaagayaa

Recommended Posts

Shirwac, qaacinka uu noo amaanaayo is even terrorizing Reer Boosaaso, using qaraxyo ee Imaaraadka u soo dhiibeen. Waa wax aanan hore loo arag, openly committing argagaxisnimo. 

Wasiir Jamaal: Waa in baaritaan degdeg ah oo madax bannaan lagu sameeyaa qaraxa Boosaaso ka dhacay

Wasiirka qorshaynta iyo iskaashiga caalamiga ah ee Soomaaliya, Jamaal Maxamed Xasan, ayaa ku baaqay in baaritaan dgedeg ah oo madax bannaan lagu sameeyay qarax ka dhacay Boosaaso oo labo nabadoon ku geeriyoodeen.

Wasiirka qorshaynta ayaa hadalkaan ka sheegay kadib markii uu booqasho ugu tagay dadkii ku dhaawacmay qaraxa, kuwaas oo u badnaa wafdi isaga la socday oo Bosaso u tagay shirar dhawaan lagu taageerayay musharraxnimadiisa xildhibaan.

“Arrimahan dhacay waxay ahaayeen arrimo aan horey uga dignay oo qalqal ku keenaya amniga shacabka halkan deggen. Haddana waxaan codsanaynaa in sida ugu dhaqsiyaha badan baaritaan madax bannaan loo sameeyo, oo sidii horey u dhici jirtay aan cid madaxa loo galin,” ayuu yiri wasiir Jamaal.

Xildhibaan Jamaal ayaa sheegay in dadka qaraxa ku dhintay iyo kuwa dhaawacmayba ay yihiin dadka arrimaha doorashadiisa ku lug lahaa, isagoo tilmaamay in qaraxa lala beegsaday saacado kadib markii ay jeediyeen baaq ay kagasoo horjeedaan in doorashada la boobo.

Illaa iyo hadda ma jirto cid sheegatay masuuliyadda qaraxa Boosaaso. Inkastoo qaraxyo nuucaan oo kale ay Alshabaab magaalada Boosaaso ka geysteen bishaan iyo bishii horeba.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Another day, another ishor istaagid:

Indhaqarshe oo loo diiday kursiga HOP 020 – “Waa inaan ka tashano Galmudug”

aliyihii hore ee ciidamada Xoogga Sarreeye Gaas Daahir Aadan Cilmi (Indhaqarshe) oo shir jaraa’id u qabtay Wariyeyaasha ayaa sheegay in loo diiday u tartamida kursi lamar HOP 020 oo laga dhigay qoondo haween.

Indhaqarshe oo ka mid ah musharixiinta u tartameysa ka mid noqoshada baarlamaanka 11-aad ee dalka ayaa sheegay in maamulka Galmudug ee uu hoggaamiyo Qoor Qoor uu ka hor istaagay inuu u tartamo kursi ay ku sharaftay beeshiisa, sida uu hadalka u dhigay.

“Waxaan rabaa inaan u sheego Ummadda Soomaaliyeed in maamulka Galmudug uu ii diiday kursigii ay reerkeyga igu maamuuseen ee HOP 020,” ayuu yiri Indhaqarshe.

Musharrax Indhaqarshe ayaa sidoo kale xusay in arrintan ay ku noqotay mid lama filaan ah, maadaama uu sanado fara badan u soo shaqeeyey dalka iyo dadka Soomaliyeed.

“Waxay igu noqotay arrin fajac ah, maxaa yeelay nin intaas oo sano u shaqeynaayey qarankiiisa billado badan lagu abaal-mariyey wax muuqda u qabtay in la yiraahdo ma istaahishid, sababta waxaa weeye aniga kuma jecli,” ayuu hadalkiisa sii raaciyey.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray, “Waxaa isweydiin leh yaa waayey qofka lagu abaal-marinaa? ma waxaa la rabaa in la dhiso oo la abaal-mariyo oo shaqadii qaranka la siiyo mid aan weligii waxba u qaban?"

Daahir Aadan Cilmi (Indhaqarshe) oo hadalkiis sii wata ayaa shaaca ka qaaday in cadaalad darro weyn ay ka jirto Galmudug, isla-markaana ay ka socoto gar-darro iyo bahdilaad.

“Way muuqataa inay cadaalad darro ka jirto meeshaas, way muuqata inay gar-darro meesha ka jirto, way muuqataa inuu bahdil meeshaaas ka jiro,” ayuu markale yiri.

Sarreeye Gaas Indhaqarshe ayaa usoo jeediyey beeshiisa inay ka tashato aayaheeda iyo sidoo kale kasii mid ahaanshaha dowlad goboleedka Galmudug.

“Waxaan reer tolkeyga usoo jeedinayaa war saan nama qabatee maxaa tala ah? Waxaan talo kusoo jeedinayaa inaan ka tashano kasii mid ahaanshaha maamulka Galmudug,”

Ugu dambeyn wuxuu farriin culus u diray ra’iisul wasaaraha Soomaaliya iyo guddiyada doorashooyinka, isaga oo ka dalbaday in la hakiyo doorashada kursiga uu u tartamayo oo tirsigiisa uu yahay HOP 020, inta xal rasmi ah laga gaarayo muranka hareeyey kursigaasi.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Samafal   
On 2/20/2022 at 7:35 PM, Shurwac said:

Samafal - How's that debunked Kudayo, Kudayo Puntland going? ...At least MMA wrongs the government for its efforts to sideline Jawaari who's actually from his own constituency and doesn't align with his politics 

Koronto & Biyo lajaray aa? - Hundreds baa Boosaaso lagu laayey, many more had to flee etc. Ilaa hadaa hubaa la's lahorfadhiyaa, All for Dani's lunacy to illagelly defraud Puntland's seats

Wasiir Jamal you mentioning above barely escaped with his own life at yesterday's targeted explosion (Guess by who) - Minister Jamal's own Dhahar Nabadoon had to skip town and is MIA in fear of his life. So much for that a person who lives in a glass house - Or whatever that quote was...Keep throwing those stones at others...

 

Sxb horta ha iska dhex boodin meesha ee sifiican wax u aqri mise garam garam baad tahay?

Also, stop lies. The clashes in Bosaso had nothing to do with Xildhibaan selection. Everyone knows that. Again stop lying. Deni have no interest in killing Jamal as his seat has already been decided by his Sultan to go to another sub-clan other than Jamal's. Bosaso is big town where Alshabab sleeper cells operate now and then that targets elders and government officers so blaming on Deni, who was himself targeted couple of days later is disingenuous. Criticise him all you want but base it on facts not on your whims and wishes. 

Share this post


Link to post
Share on other sites

Shariifkana jidkii kuwii hore mareen la marsiiyey. Eesh caleeg. This is the worst, least independent baarlamaan Soomaaliya soo marto. Waxa meesha lagu soo dhoob dhoobay are kuwa faraha loogu yeero with zero aragti ee leeyihiin.

 

Share this post


Link to post
Share on other sites

Shariifka iyo wiilkiisa kursigee ku fadhiyeen tan iyo 2000 ninkaan hoose oo ah wasiirka awqaafka diinta ee Koonfur Galbeed ayaa la siiyey oo la xushay maanta:

275227226_169366968759243_37422837790019

Doorashada lix kursi oo Baydhabo ka dhacday maanta – Yaa kusoo baxay?

Magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay waxaa maanta lagu qabtay doorashada kuraas ka mid ah xubnaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya, kuwaas oo ay deegaan doorashadoodu tahay Koonfur Galbeed.

Kuraasta doorashadooda la qabtay ayaa kala ah Hop#099, Hop#168, Hop#167, Hop#077, Hop#186 iyo Hop#261 ee Golaha Shacabka.

Doorashada kuraastan ayaa waxaa ku soo baxay xubnaha kala ah:-

1-Axmed Madoobe Nuunow oo ku guuleystay kursiga Tirsigiisa uu yahay Hop#099. 2-Luul Ibraahim Cumar oo ku guuleysatay kursiga Tirsigiisa uu yahay Hop#168. 3-Cabdisalaan Cali Cabdi oo ku guuleystay kursiga Tirsigiisa uu yahay Hop#167. 4-Maxamed Shekh Cabdulaahi Ciirow oo ku guuleystay kursiga Tirsigiisu yahay Hop#077 . 5-Cabduqaadir Cumar Macalin oo ku guuleystay kursiga Tirsigiisa uu yahay Hop#186. 6-Saalax Shariif Siid Cali oo ku guuleystay kursiga Tirsigiisa uu yahay Hop#261.

Guusha xubnahan ayaa horey loo sii oogaa, maadaama si gaar ah loogu xiray kuraasta ay ku soo baxeen, iyaga oo aan gelin tartan adag.

Tallaabadan ayaa qayb ka ah dadajinta doorashooyinka Golaha Shacabka oo lagu wado in lasoo gabagabeeyo, ka hor 15-ka bishaan March ee sanadka 2022-ka.

Koonfur Galbeed ayaa ka mid ah maamullada ku horreeya doorashada, waxaana u haray kuraas kooban oo deegaan doorashadoodu tahay magaalada Baydhabo ee gobolka Baay.

 

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.