Sign in to follow this  
Paragon

SINGAL MATHAR (SINGLE MOTHER) SHEEKO CAJIIB AH

Recommended Posts

Paragon   

SINGAL MAADAR

(SINGEL MOTHER)

Samatar .M. !0Filasoofi!1

samatar22@yahoo.com

 

Qaybtii Iaad

 

Daba-taag hadba intay doc u baartay armaajada dharka ay ku kaydsato ayeey ka wayday hoos-gashi nadiif ah, oo ay maanta qaadato. Maanta waa inay baxdaa, waloow ay tahay xilli aad u qabow, darajada cimiladuna ay muujinayso tabane toban ah (mines 10). Markay aragtay waqtigii inuu isa soo gurayo, meel ay ka hesho hoos-gashi nadiif ahna ay wayday, ayaa markii danbe, Alle-ma qaade wiilkeedii Tukulush wuxuu armaajada dalawgeeda ka soo haabtay hoos-gashi sanad iyo bar ka hor si qaab daran loogu tuuray halkaas.

 

Waxay ahayd sanad iyo bar ka hor markii Biciid-Geesoole laga eryey gurigga. Waxaa loogu yeeray ciidanka amniga oo gurmad degdeg ah ku yimid gurigga, iyadoo Daba-taag adeegsatay lambarka 911 ka dib goortuu in muddo ah Biciid Geesoole ku hayey jir-dil, isagoo mar walba geesihiisa fiiq-fiiqan, ee taag-taagan hadba doc uga mudayey Daba-Taag. Hanjabaad iyo hoos-u- dhig qiime dilay nafteedana ku caburiyey. Daba-taag, oo ay maskaxda ka cuneen carruurteeda iswada da!/da le!/eg, uuna ugu weyn yahay Tukulush, waxaa xiga Bakayle iyo Baar-qab oo mataane ah iyo Dumad, oo ah inanta keliya ee u dhalatay qoyska reer Biciid-Geesoole?, mise waxaa la oran karaa !0Qoyska reer Daba-taag!1, maadaama Biiciid-Geesoole muddo sanad iyo bar ku sugan aanu reerkiisa xataa soo barriidin. Cajaa!/ib badanaa! Waxay Daba-taag jirkeeda ku boobtay, intay boorka ka jaf-jafatay surwaalkii hoos-gashiga ahaa ee uu qaadan jiray ninkeedii hore ee Biciid-Geesoole, islamarkaana, iyadoo nafteeda kelinmada iyo murugada la tukubaysa kula qanbiyeeysa: !0Maxaan sameeyaa, dhar kale oo nadiif ah ma haysto, qabowgana hoos-gashi la!/aan ma bixi karo!1 Haddana waxay hadalkii raacisay, waxaaba taas iiga sii daran, maalin walba dhar ayaan dhaqaa, dhar aan leeyahayna ma mayrto. Dhib badanaa! Ciriiri badanaa dunidan, dumarkana u diranaa dunida!

 

- Hooyo, waa sulwaalki aabbe. Sulwaalki aabbe miyaad gashanaysaa?, Tukulush ayaa hooyadii weyddiiyey, isagoo si fajac leh u eegaya hooyadiis. Intaas goortuu Tukulush xasuusiyey hooyadiis ayeey Daba-Taag ilmo kulul fow ka soo yiraahdeen labadeeda indhood, ka dibna intay dib u jeesatay, iyadoo ka qarinaysa carruurteeda murugada haysata bay mar gacanteeda jilicsan isaga masaxday.

 

Saakay aroortii ayeey kacday Daba-Taag, shantii subaxnimo, quraac karin iyo quraac siin ka dib, weli waxaa afka ku soo kala haya fulinta hawla badan. Tukulush dugsiggga inay u dirto, xanaanada inay Bakayle iyo Baarqab ku hubsato. Dumad inay dhakhtarka u qaado, soo-adeeg, dhar-dhaq, guri nadiifin, ka soo qaadida caruurta dugsigga iyo xanaanada carruurta, halka Biciid-Geesoole oo wax ka dhalay carruurta uu baashaalayo maqaayadaha shaaha laga cabbo. Meeday haddaba nafteedii qaaliga ahayd?.

 

Waa Singal Maadar!, naf iyo xuquuq ma ku leedahay bulshada?, Ixtiraam iyo tixgelin ma ka dhex mudatay bulshada dhexdeeda?. Sow bulshada kama doonayso inay noqoto naag nadiif ah oo udgoon, naag dhalaankeeda aysan ka muuqan dareen rajo, oo il-daran, naag caafimaad qabt oo ragga soo jiidata, gurigeedana had iyo goor cuud iyo catar uu ka soo kahayo! Waa sharciga aan dhignayna ee Singal Maadarada quseeya, haddii kale, iyadoo markii horaba Singal Maadar ahayd, haddaysan raacin xeerarka ay bulshada u dhigtay, bulshadu waa ay dayrin

 

Weligeed gaari ma kaxayn Daba-Taag, baraf iyo qabow ay aragtana waxaa ugu horeeya Maraykan. Dabat-taag waxaa ka muuqda daal, diif, murugo iyo inay tahay far keliya ee aan ku filnayn nafteeda, carruurteeda, hawsha guriggeeda, hadday muujiso dareenkaas culus iyo itaal daridaas aadanimo, bulshada il-xun iyo yas ayeey ku eegaysaa, waayo waxay burisay sharciga u qoran Singal Maadarada, oo ay bulshada u dhigtay. Waa la qiime tirayaa, sidaa darteed Daba-Taag jabkeeda waa inay qarsataa. Dhab ahaantii, Daba-Taag, waa ka adag tahay hawsha aqalkeeda iyo carruurteedaba, ee waxaa arbushaad saamaysay maankeeda iyo falkeedaba ku riday qurbaha, gaar ahaan Ameerika, iyadoo la qabsan weyday cimilada marna aad u qabow, marna aad u kulul, waqtiyada dalka oo isbed-bedela, afka shisheeye oo aysan gebigiisaba fahmin, nidaamka wadanka u shaqaynayo, waxaas oo dhan ayaa khal-khal geliyey nafteeda.

 

Intaas waxaa u dheer Daba-Taag xayaawanka u badan labka ee isugu jira xayaan dib-joog ah iyo mid guri-joog ah, oo had iyo goor u gaarsanaya, kii ay gacan weyddiisatana sharuud uga dhigaya inay siiso abaal marin. Weli Daba-taag iyadoon carruurtii kaxayn ayaa taleefan soo dhacay:

 

- Halow, wa!/ayo?, Daba-taag, oo yaaban, kana welwelsan nolosha iyo xaalada ay ku sugan tahay, niyadana ka leh Maraykan ma imaadeen, haddaan ogahay inaan sidan noqonaya, ayaa weyddisay

- Waa Qallanjo, Nayroobi ayaan kaa soo wacayaa, hooyadaa booliska Kenyaatiga ayaa saakay qafaashay, waxaa lagaa rabaa lacag degdeg ah, oo hooyadaa lagu soo furto inaad soo dirto, haddii kale way tarxiilayaan. Aabbahaana waa sakaraat, degdeg wax ugu soo dir.

 

- Aaway hooyadeey hadda? Maxaa ku dhacay aabbana?, iyadoo aan jawaab helin Deba-taag ayaa taleefankii si lama filaan ah uga go!/ay.

Markiiba waxaa isbeddelay Daba-taag hormoonada jirkeeda. Illin kulul ayaa Daba-Taag labadeeda dhaban ku soo qubatay. Waxaa maskaxdeeda ku bilowday welwel iyo walaac hor leh, oo ay u dheer tahay dhibka bulshada iyo culayska nolol maalmeedka Ameerika.

 

Waxaa intaas u dheer in maanta kowda iyo barka duhurkii laga rabo maxkamada si loo dhamaystiro dacwada dheeraatay ee u dhaxaysa iyada iyo ninkeedii hore Biciid Geesoole. Waxa kale oo laga rabaa inay farmashiga Wallgren ee ku yaala waddada Franklin, ugu danbayn shanta galabnimo in ay ka soo qaado dawada asmada, oo gabadheeda yar oo ay jeceshay ee Dumad ay si ba!/an ugu baahan tahay. Haddaysan caawa soo qaadin daawada cudurka neefta, siduu dhakhtarka u sheegayba, inanteeda Dumad waxay qarka u saaran tahay geeri ama nolol midkood.

 

Naxdin iyo walbahaar ayeey Daba-Taag jiq la tahay. Cid ay ciirsato caawa Alla ma taqaan. Hadday taleefan u dirsan lahayd Gool-Libaax ee carruurta ayeeydood ah, islamarkaana dhashay abbahood Biciid-Geesoole, cid dheg-jalaq u siinayso ma jirto, oo waxaa hortaal warcelin ah: !0Baarigii aan dhalay ee Biciid-Geesoole, naagta dugaag duur-joog ah gacanta u gelisay, waxba kuma darsanayo!

 

San-ku-neefle oo dhan wuxuu Daba-Taag ugu yeeraa magac qura, magac laga naxo ee sida ceeb iyo magic-xumi. Magac tusya inay tahay qof dumar ah ee madax-adag, inay tahay qof dumar ah ee kulul, qof dumar ah ee aan gar-qaadan. Waxaa loogu yeeraa !0Singal Maadar!1, oo mee magacii aabbaheed iyo hooyadeed ula baxeen?.

 

Magacii quruxda badnaa ee Daba-Taag?! Daba-Taag waa naag jecel madax-bannaanida, sababta loogu baxshay Daba-taag ayaaba ah, waayo sida ugaadha dabataagta ay duurka cidlada ah hadba doc ugu dhiqlayso, xayawaanka intiisa kalana gees uga cararto, iyadoo dareemayso inay ka madax bannaantahay xayawaanka oo dhan si la mid ah ayaa laga dhan-dhansadaa ficilkeeda iyo maankeedaba. Waa sababta keentay Biciid-Geesoole inay is-af-garan waayaan.

 

Waxa kale oo yaab ku riday Daba-Taag bulshada habar-dugaag iyo habar-guri joog, inta cirka duusha, inta xamaarata, inta ku nool beri iyo biyahaba waxay Daba-Taag iyo inta ku jirta xaaladeeda oo kale ay u soo diraan habaar iyo nacalad kulul, sidii iyadoo danbi ka gashay oo kale. Amankaag badanaa!, ayeey niyada iska leedahay mar walba, bal maxaan galabsaday?. Danbigayga waa Singal Maadar, bulshadana waa i xukuntay, intay maxkamada i soo taageen.!

 

Sidoo kale, hadday maanta taleefan u dirsan lahayd saaxiibteed Sagaaro Minjo-yar, isbitaal ayeey xalay la gashay wiilkeedii Atoor, mideeda kale Sagaaro Minjo-yar iyadaaba Singal Maadar ah oo u baahan gacan, maxay u qaban kartaa Daba-taag!. Waxay dabadeed goosatay Daba-Taag inay marka hore dukaanka cunada ee Kaab-Fuudh (Cub-Food) la yiraahdo ka soo adeegato, carruurteedana kaxaysato, yaa u garab iyo gaashaan ah oo ay uga tageysaa carruurteeda?, cidna, waa inay suuqa u jiidaa dhammaantood. Gaarigga carruurta waxaa is-dhaafay musbaarada isku haya lugta bidix, inkastuu gaarigga soconayo, haddana wuxuu u baahan yahay in lugta qariban dib la isugu celiyo.

 

Si xoog leh, oo ciil iyo caro ay ka muuqato intay Daba-Taag u soo dhifatay Dumad iyo Baar-qab ayeey dusha uga tuurtay gaarigga carruurta lagu kaxeeyo, Tukulush iyo Bakaylana gacanta isqabsada ayeey amar ku siisay, iyadoo ku qaylinaysa cod qaylo dheer. Waxaa Daba-Taag maskaxdeeda ka diryaamaya welwelka hooyadeed iyo aabbaheeda. Ma iyadaaba niyad u haysa carruur inay u ciidanto. Waxa kale oo maskaxdeeda ka dhex dhawaaqaya walbahaarka ay ka qabto maxkamada maanta, oo aanay haysan cid garab fariisata, oo hiil iyo hooba siisa. Cid niyada u dhista u raacda maxkamada, una miciinta. Waxay fool-ka-fool maanta u arki doontaa Biciid-Geesoole, oo aysan arag muddo dhan sanad iyo bar.

 

Bannaanka markay u soo baxday Daba-Taag iyo carruurteeda, waxaa buuxshay baraf tira badan, oo qarinaya ilaa labadeeda kub ee kuus-kuusan. Gaarigga carruurta oo la kaxeeyaa xaggeeee joogaa!, Aadana laba addin leh ayaan jaanta qaadi Karin. Gaaigga carruurta, oo weliba halaysan, warkiisa iskaba dhaaf! Waxaase, ha yeeshee, u furan Daba-Taag iyo carruurteeda wadiiqo yar oo barafka laga xaaray saakaydii hore. Dukaanka hilib-xalaalka xaafada ku yaala ayeey Daba-Taag ka sii gadatay hilib ari, xifaayado, cuud iyo luubaan ay gurigga u shidato, waayo, weli waxaa Daba-taag maankeeda ka guuxaya shirka gurigeeda lagu qaban doono toddobaadka soo socda, oo ay odayaasha qabiilka reer Daba-Taag, reer Garannuug iyo reer Deero ku yaalan doonaan, halkaas oo lagu jeex-jeexi doono xaalada Daba-Taag.

 

Iyadoo marna carruurta ku qaylinaysa, marna dharbaaxaysa wiilka carruurta ugu weyn ayeey dhabihii cagta saartay. In yar goortay socdeen ayaa wiilkeeda Baar-qab oo diidan gaarigga inuu la qaybsadao Dumad baa mar waxaa u sibkaday labada addimood. Daba-Taag intay naxdin booday, iyadoo leh !0Bisinka!1, ayeey mar haabatay wiilkeedii macanaa ee Baarqab. Caku!, cimilada Minasoota naxariis daranaa, oo u daranaa weliba hooyooyinka Singal Maadarada ah (hooyooyinka keligood carruurtooda korsada, aabbe la!/aan). Intay lahayd bad-baadi Baar-qab ayeey Daba-Taag isbuuratay, oo beer-beer u fuushay wiilkeedii yaraa.

 

Inkastoo ay labada low murxeen, dhiigna ka tis iyo tas leeyahay, haddana marnaba iskama dareemin Daba-Taag, xanuun iyo dhiig inuu ka qul-qulaya labad jilib, waayo waa Singal Maadar! Goortay Daba-Taag baraf-jafatay ka dib, ayeey misna hareeraheeda ka waysay curudkeedii u weynaa carruurteeda. Tukulush. Xanaaq iyo walbahaar ayaa soo hujuumay dareemadeeda, oo hadba doc u qaylisay: Tukulush, war Tukulsh, kumee?, xaggee ka baxay inkaar-qabaha, oo hadalkii raacisay Daba-Taag, Is-taaq-furulaah!

 

Qaylo iyo canaan badan waxay hadba ku hayso carruurtii, iyadoo Daba-Taag jiidaysa gaariggii carruurta, garbaha iyo murqahana ka dareemaysa xanuun uga yimid culaabta gaarigga qaribban oo ay carruuteeda ku riixayso, niyadana ka leh ka gaar baska u socda dukaanka Kaab Fuudhka, ayeey mar cag-dhigatay rugta baska laga raaco. Waxaa markiiba isa soo taagay bas lamabar 7. Dameer-farow oo ah wadaha baska, isagoo u muujinaya dareen hoos u dhig ah, naag keligeed jiidaysa afar carruur ah, ayuu ka furay Daba-Taag iyo ilmaheeda albaabkii baska.

 

Goortay horay u fuuleen ayaa xayawaankii baska saarnaa oo dhan mar shib wada yiraahdeen. Qayladii, baashaalkii iyo wada-sheekaysigii u socday mar qura joojiyeen, iyagoo indho kulul Daba-Taag iyo ilmaheeda ku eegaya, sidii qof gef ka gashay bulshada xayawaanka ah oo kale.

 

Daba-Taag waxaa anfariir ku nqoday xayawaanka faraha badan ee baska saaran, oo sida xun u wada eegaya. !0Talow maanta ma Alli bari ayeey u socdaan, ayeey niyada iska tiri!1 Daba-Taag. Cid kama maqna habar-xayawaan maanta, ha noqdeen kuwa duur-jooga, kuwa guri-joog iyo kuwa ku nool beriga iyo biyahaba: libaax, dhurwaa, maroodi, wiyil, shabeel, harmacad, dawaco, geri, dameer-farow daanyeer, gaduudane, daba-cadeeye, saangurayo, gisi, doofaar, dooli, jilbis, abeeso, jebiso, abeeso-lugaley, jeer, yaxaas, fiid-meer, haad, tuke, xiddig-dhul, xuur, xoor, gorgor, guumays, eey-duureed, goronyo, diin, qubo iyo in kale oo badan, oo ay maskaxdeeda qaban weyday. Iyadoo yaaban ayeey Daba-Taag iyo ilmaheeda degdeg ku galeen dukaanka Kaab Fuudhka. Dhowr bacood oo raashin ah iyadoo dan-daaminaysa, qaarna ay ay gacanta ku wadato, qaar kalana ay ka lushaan madaxa gaarigga carruurta ay ku jiidayso ayeey rugta baska misna isa-sii taagtay.

 

- War watii haddana, Dameer-farow oo wada baskii ayaa u sheegay Xayawaanka intiisii kale ee baska saarnayd. Waa Singal Maadar tan! waa ka muuqataa, si fiican ayeey uga muuqataa dhafooradeeda, fiiri indhaheeda, fiiri basaasta ka muuqata oogadeeda. Naagaha Singal Maadarka ah waxaa lagu gartaa !0shaarbo ayeey dibnaha ku leeyihiin!1, intaas goortuu yiri ayuu qosol baaxad ku dhuftay. Xayawaankii intiisii kale ayaa mar ka daba qoslay. Yaan gacan u fidinaya Daba-Taag, naag Sigal Maadar ah, cidna, iyadaa labkii guri gaystay harcad bannaanka iska soo dhigtay. Markay damacday inay carruurtii, gaariggii iyo cunadiiba saarto baska, ayeey xayawaankii baska saarnaa uga baxeen, qosol iyo hadalo daac-daacsi ah oo ay weheliso indha-ku-gub muujinaya !0waxba kuu qaban mayno!1.

 

- Waan degdegsanahay, caawa naag Singal Maadar ah ayaan ballan la leeyahay, naga dhaqso dheh naagta, immisa saacadood ayeey alaabta soo guraysaa?. Naagtu ma Singal Maadar baa?, ma keligeed baa?, ma nigaanba garan, Yaxaas afweyne, ayaa u sheegay xayawaankii kale. Qosol iyo qaylo ayeey xayawaankii la dhaceen, waxayna ugu dareen subcis xoog badan.

- Laba gacmood ayaan leeyahay, Ilaahay iima samayn afar gacmood iyo afar lugood, wuxuu ii sameeyey laba gacmood iyo laba lugood. Laba gacmood oo aan wax ku qaado ayuu ii sameeyey, ayeey ku jawaabtay Daba-Taag, oo si qunyar ah u soo guratay raashinkii uga buuxay bacaha tirada badan. Daba-Taag intay carruurtii ku hubsatay baskii dhexdiisa.

- Halkan waa Ameerika, cid-cid caawisa ma leh!, Daanyeerkii ayaa yiri.

 

Wixii xayawaan baska saarnaa cidna lug iyo gacan uma kala furin Daba-Taag, waxaana looga baxay qosol, kajan iyo jees-jees niyad jab ku noqday iyada iyo carruurteedaba. Markay salka dhigtay kursigii baska, ayeey mar soo tuurtay neef xooggan oo tusaysa daalka ka muuqda oogadeeda. Mar waxaa qosol weyn, oo qosol-ku-jab ah ka wareegay libaax gar-weyne, isagoo leh:

-Wadankaan waxaa xuquuqda koowaad iska leh dumarka. Intaas markuu yiri, waxaa mar ka daba guuxay xayaawaankii baska la saarnaa oo dhan, iyagoo ku taageeraya hadalkiisa, oo raacshay: !0Waa kuwa iska-fura raggooda, booliiskuna iyaga ayuu la jiraa!1, isagoo mar walba garkiisa weyn iyo foolkiisa meegaaran ee cayayaanka ku goobtay hadba gacantiisa ku salaaxaya

 

-Waxaa xuquuqda labaad iska leh wadankan waa eeyga, xataa annaga xayawaankeena duur-juuga ah xuquuq kuma lihin, waxaa ugu daray maroodigii, isagoo faantiisa kor u taagaya qosol iyo kibir darti, iyadoo ay xayawaankii kale la jiibinayaan. Waa sababta keentay in naag weliba uu gurigga u joogo eey ama mukulaal, si ay isaga ilaaliyaan xayaawaanka runta ah, ayuu raacshay Maroodi faan dheere hadalkiisii. Diil-diili-moole dameer-farow mar walba oo hadal la sheegaba hoonka gaarigga ayuu si xoogan uga dhawaajiyaa, isagoo weliba qoslaya. Daba-Taag, waxaa ka soo haray naxdin iyo aamusnaan. Waxayba maskaxdeeda jirtaa hawsha gurigga, dhibka hooyadeed iyo aabbaheed ee Afrika ku sugan, maxkmada sugays maanta iyo nolosheeda kale. Ma iyadaaba la haysata xayawaanka ku dhereg-dhacsanaya nafteeda kurbaysan.

 

-Xuquuqda saddexaad ee wadankan waxaa iska leh ninka cad, waxaa yiri dhurwaagii, isagoo malabsanaya, niyadana ka raba mar inuu cad-goosto Daba-Taagtan dhaylada ah ee agtiisa ka dhow. Ninka cad sharciga wadankan isagaa samaystay, soona dejiyey, wuxuuna u samaystay sharcigan dumarkeena inay nagu diraan, ayuu ku daray hadalkiisii.

-Waa kuwaa gabdhaheenii waxay noqdeen kuwa naga tagay iyo kuwa iska raacay gaalada cadcad iyo gaalada madmadow, waxaa hadalkii dhurwaaga kala booday Shabeelkii, sidii isagoo aad moodo gabdhaha inuu leeyahay oo kale. Mar ayaa loo subciyey hadaladii dhurwaaga iyo shabeelkaba, iyadoo baska uu ka soo yeerayo huggun xooggan, laguna maa-weelaysanayo Daba-Taag iyo carruurteeda.

- Intaan wadanka Maraykanka imaan ka hor, jirkayga wuxuu lahaan jiray harag diilimo qurxoon leh, oo qaali ah, dunidana laga jecel yahay, oo la isku dilo, maantana, xataa naagtayda agteeda wax qiime ah kama lihi. Dhogortaydii qaaliga ahayd, cimiladan qabow ee barafka ah ayaa ragaasisay, ayuu Shabeel ku calaacalay, isagoo iska dal-dalmaya.

 

Waxaa anfariir ku riday Daba-Taag, shaabeel, libaax, maroodi, dhurwaa, geri iyo xayawaan kale oo iswada raacsan, bas wada saaran, oo kuhumaya nafteeda.

- Waxaa wadanka Maraykanka xuquuqda ugu hoosaysa leh ragga mad-madow. Waa nala xasdaa. Annaga haddaan nahay xayawaan isugu jira habar-dugaag iyo kuwa kalaba, waxaa nalaga keenay Afrika, dumarkayagii ayaa nalgu diray, waa kuwaa naga tagaya, waxaa isna la soo booday daanyeer, oo ay xayawaanka intooda badan ay ku eedeeyaan inuu aadamiga u dhow yahay, oo la bah yahay, sidaa darteed maba aaminaan. Daba-Taag waxaa u cadaatay bah-dilka iyo afkaaraha ay u qabaan bulshada xayawaanka. Iyadoo Daba-Taag weli sidii u welwelsan ayeey gurigeeda ku laabatay, waxaana halkaas ku sugayey ciidanka booliiska, iyadoo lagu soo eedeeyey carruurta kan ugu weyn inuusan dugsiga imaan mudo dhowr maalmood ah.

 

Waa socotaa...

 

PUBLISHED BY PUNTLANDPOST.COM

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this