Sign in to follow this  
Deeq A.

Milatariga Suudaan oo xiray Ra’iisul wasaarihii dalka iyo mas’uuliyiin kale

Recommended Posts

Deeq A.   

Ciidamada milatariga ee Suudaan ayaa xiray dhowr xubnood  oo ka tirsan hoggaanka rayidka ah ee dalkaasi.iyagoo sidoo kale xabsi guri galiyay ra’iisul wasaare Abdallah Hamdok, sida uu baahiyay TV-ga Al-Hadath.

Qabqabashada xubnahaan ayaa timid kahor waaberigii saaka,ayaa warku imtaa ku daray in dadka la xiray ay ku jiraan wasiirka warshadaha Ibrahim al-Sheikh, wasiirka warfaafinta Xamza Baloul, iyo la taliyaha ra’iisul wasaaraha, Faysal Maxamed Saalax.

Af-hayeenka golaha madaxbannaanida ee Suudaan, Mohammed al-Fiky Suliman, iyo barasaabka caasimadda Suudaan, Ayman Khalid, ayaa sidoo kale la xiray.

Militariga ayaa xiray dhammaan waddooyinka soo gala magaalada Khartoum,iyadoo sidoo kale la xadiday isgaarsiinta dalka Suudaan.

Suudaan ayaa ku jirtay xaalad  deganaan la’aan ah tan iyo markii uu dhacay afgambigii dhicisoobay ee bishii hore waxaana muuqata khilaaf u dhexeeyay milatariga iyo kooxaha rayidka ah,kaas oo la xiriiray hab  qaybsiga awoodda dalka,kaddib markii uu meesha ka baxay Cumar Al-Bashiir  oo ahaa hoggaamiyihii ugu muddada dheeraa.

PUNTLAND POST

The post Milatariga Suudaan oo xiray Ra’iisul wasaarihii dalka iyo mas’uuliyiin kale appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this