Sign in to follow this  
Deeq A.

Isbitaalkii weynaa ee Istartiin ee Guriceel oo xirmay kadib madaafiic lagu gaaracay

Recommended Posts

Deeq A.   

Guriceel (Caasimada Online) – Tiro Hoobiyeyaal ah oo shalay ku dhacay Isbitaalka Istarliin ee Magaalada Guriceel ayaa hakad ku keenay adeeggii caafimaad ee isbitaalkaasi uu u fidinayay dadka deegaanka.

Dr. Kaahiye Cismaan Cumar oo ka mid ah Howlwadeenada Isbitaalka Istartiin ayaa sheegay in hoobiyeyaashu ay burburiyeen qalabkii loogu shaqeynayay bukaanada.

Waxa uu sheegay in hoobiyeyaashu ay isbitaalka ku soo dhaceen, xilli isbitaalkaasi la keenay dhaawacyo fara-badan, afar iyo labaatankii saac ee la soo dhaafay.

Isagoo la hadlayay VOA ayuu yiri “Xaaladdu way inoo rooneed wixii ka horeeyay saakay, wixii ka dambeeyay barqadii maanta anagoo shaqadii ku jirno oo dhaawacyadii la tacaalayno, isbitaalkayna waxaa ku soo dhacay hoobiyeyaal illaa saddex xabo ah, halmar qaybihii aan ku shaqeynaynay dab baa qabsaday, gaar ahaan qaybtii bukaan jiifka, qaybtii xaaladaha deg-degga, qaybtii raajada & computer-ka noo yaalay iyo qaybtii ugu muhiimsaneyd ee saalada qaliinka, intoodba hoobiyeyaalaa ku soo dhacay. Anaga naftaynaa la soo cararnay, bukaanada intii aan soo bixin karno waa soo bixinay, intii kalena dadkooda ayaa watay.”

Waxa kaloo uu yiri “Cid wax dhiba gaaray ma jirin, laakiin maatidii tirada badneyd ee la keenay illaa iyo shalay xaaladooda khatar bay gashay.”

Mar uu ka hadlayay xaaladda shaqaalahooda ayuu yiri “Shaqaalaha isbitaalka way fiican yihiin oo way nabad qabaan, si nabad ahaana ku soo baxnay, xoogaa illaa meel dhexe ah inaan soo lugeyno ayay noqotay, oo baabuurta meel la marsiiyo ayaan weynay.”

Waxaa uu sheegay in shaqaalahooda ay halis kala kulmeen dhinac ka mida dhinacyada isku horfadhiya magaalada.

“Maraan meel dhexe soo marayno oo lugeynayno, niman difaac ku jiraa na soo xabadeeyay, waan kala cararnay, waana fiicanahay,” ayuu yiri Dr. Kaahiye Cismaan Cumar.

Dr. Kaahiye Cismaan ayaa yiri “Shaqaalihii intii ugu badneyd deegaanada u dhow dhow ayay taggeen, qaarkood Matabaan ayay aadeen, qaarkoodna Dhuusamareeb.”

Isaga oo ka waramayay sida howshii isbitaalka u istaagtay iyo daruufihii ay ku shaqeynayay tan iyo shalay ayuu yiri “Isbitaalkii weynaa ee degmada albaabadaa isugu soo xirnay, maadaama isbitaalkii meel lagu shaqayn karo aysan jirin, meeshiina ay furin dagaal noqotay. Anaga intii awoodayno ahayd shalay illaa iyo xalay waan dadaalaynay, sidii shalayaa u soo jeednaa, xabaddu markii ay bilaabaneysay illaa iyo hadda sidii ayaan u soo jeednaa, qof naga mida oo shaqaalaha ka mida muusan seexan. Anagoo dadaalkii iyo daalkii ku shaqeynaynay baa waxaa gubtay meelihii aan ku shaqeynaynay.”

Dr. Kaahiye Cismaan ayaa xusay in Axaddii uu xirmay goob kaloo caafimaad ay magaalada ku lahaayeen, ka dib markii ay madaafiic ku dhaceen.

“Laba ka mida goobihii ugu waaweynaa ee aan lahayn, sida isbitaalkii weynaa ee degmada iyo mid kaloo ku yaalo deegaanka, midna shalay ayuu gubtay, midna maanta ayuu gubtay, waxaad mooddaa in bartilmaameedyo ay noqonayaan goobihii caafimaadka,” ayuu yiri Dr. Kaahiye Cismaan.

Xaaladda Magaalada Guriceel ayaa ah mid hubinti la’aan ah, iyadoo dhinacyada isku haya ay weli isku horfadhiyaan magaaladaasi.

The post Isbitaalkii weynaa ee Istartiin ee Guriceel oo xirmay kadib madaafiic lagu gaaracay appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this