Deeq A. Posted October 4, 2021 Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wefdi uu hoggaaminayo ayaa saaka u safray magaalada Addis ababa ee waddanka Itoobiya. Qoraal kooban oo ka soo baxay madaxtooyada Soomaaliya ayaa lagu sheegay in madaxweynuhu u safray Addis Ababa halkaas oo uu kaga qayb-galayo dhismaha xukuumadda cusub ee Itoobiya. “Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa hadda u safray magaalada Addis Ababa oo ay uga qeyb geli doonaan xafladda dhismaha Xukuumadda cusub ee Jamhuuriyadda Itoobiya.” PUNTLAND POST The post Madaxweyne Farmaajo oo saaka u safray Itoobiya appeared first on Puntland Post. Share this post Link to post Share on other sites