Sign in to follow this  
Deeq A.

Farmaajo oo goordhow u baxay safar dibadda ah + Ujeedka

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho ( Caasimada Online) – Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo) ayaa goor dhow ka amba-baxay garoonka Aadan Cadde, isaga oo ku sii jeeda magaalada Addis Ababa ee caasimada dalka Itoobiya.

Farmaajo iyo wafdigiisa ayaa ka qeyb-galaya caleema saarka ra’iisul wasaare Abiy Axmed oo ka dhacaya magaalada Addis Ababa.

Mas’uuliyiin ka tirsan golayaasha dowladda ayaa kusii sagootiyey garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee magaalada Muqdisho.

Sidoo kale madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday ayaa kulan duceedyo la qaadan doono madaxda kala duwan ee ka qeybgalaya caleema saarka ra’iisul wasaaraha Itoobiya.

Farmaajo iyo Abiy waa saaxiibo dhaw oo siyaasadeed, waxay kol-hore hoggaamiyaha kaligii talis ka ah ee Eritrea la yeesheen iskaashi abuuray tuhun badan, balse waayaahaan ma kulmin oo mid kasta xasarada ka oogan gudaha xukunkiisa ayuu ka badin waayey.

Safarkaan uu Farmaajo ugu baxay Itoobiya ayaa sidoo kale ku soo aadaya iyadoo khilaaf xun oo la xali waayey uu kala dhaxeeyo Ra’iisul Wasaarihiisa Rooble, lamana oga wajiga socdaalka Farmaajo uu u jaheyn doono khilaafka kala dhaxeeya Rooble.

Si kastaba, safarkan ayaa noqonaya  kii ugu horeeyey ee Farmaajo uu dalka uga baxo, tan iyo 25-kii bishii April, xilligaas oo Muqdisho ay ka dhaceen qalalaase iyo isku dhacyo hubeysan oo looga hortegay mudo kororsigiisii labada sano ahaa.

The post Farmaajo oo goordhow u baxay safar dibadda ah + Ujeedka appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this