Sign in to follow this  
Deeq A.

Go’aanno laga soo saaray colaaddi Saax-maygaag iyo Sanga-jebiye

Recommended Posts

Deeq A.   

Guddi ka kooban cuqaal iyo isimo, oo ku hawllan xallinta colaaddii Saax-maygaag iyo Sanga-jebiye, ayaa si rasmiya u shaaciyay shir weyne ku saabsan nabadaynta dhinacyadii ku dagaallay degaannadaas.

Guddiga ayaa sheegay in shirweynaha la qaban doono 23-da bishaan October 2021, islamarkaana lagu qaban doono caasimadda Garoowe.

Labada dhinac ee ku dagaallamay Saax-maygaag, ayaa laga codsaday in ay soo gudbistaan guddi ka kooban 25 xubnood oo ku matala shirweynaha nabadaynta.

Sidoo kale, dhinacyada waxa lagu adkeeyay hirgelinta xabad-joojintii laga gaaray colaadda, si loo dhammaystiro hawlaha nabadaynta.

Fiqi Cabdinaasir Maxamuud Mire ayaa akhriyay go’aannadaas

PUNTLAND POST

The post Go’aanno laga soo saaray colaaddi Saax-maygaag iyo Sanga-jebiye appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this