Sign in to follow this  
Deeq A.

M/weynaha Maamul-goboleedka Jubaland Axmed Madoobe oo lagu qalay dalka Jarmalka

Recommended Posts

Deeq A.   

M/weynaha Maamul-goboleedka Jubaland Axmed Madoobe oo lagu qalay dalka Jarmalka

Xog: Axmed Madoobe oo lagu qalay dalka Jarmalka

Madaxweynaha Maamulka Jubaland Axmed Maxamed Islaam “Axmed Madoobe” ayaa la dhigay Isbitaal ku yaala dalka Jarmalka, kadib markii laga saaray Isbitaal kale oo ku yaala dalka Imaaraadka Carabta, sida ay ogaatay Caasimada Online. 

Caasimada Online ayaa heshay xog sheegaysa in Axmed Madoobe uu saddex qalliin oo qabsinka ah uu ku galay Isbitaal weyn oo ku yaalla dalka Jarmalka oo kamid ah wadamada ugu tayada wanaagsan dhanka adeegyada caafimaadka. 

Xogta aan helnay ayaa sidoo kale sheegaysa in markii hore la qorsheeyay in lagu qalo Isbitaal ku yaalla dalka Imaaraadka Carabta, balse dhaqaatiirta ay ku taliyeen in loo qaado Jarmalka. 

Sida aan xogta ku helnay, dhaawac muddo dheer ka hor soo gaaray soo gaaray iyo xanuuno kale oo dhanka caloosha ah ayaa la sheegay in muddooyinkaan uu aad dareemay madaxweyne Axmed Madoobe. 

Ilo wareedyo ku dhow dhow Madaxtooyada Jubaland ayaa sheegay in Madaxweynaha uusan ku jirin marxalad adag, ayna xaaladdiisa aad u wanaagsan tahay kadib markii uu qaliinka maray.

Axmed Maxamed Islaam Madoobe ayaa dhowr jeer oo hore waxaa lagu fuliyay qaliinno u badnaa dhinaca barida ah oo uu ka qabo dhaawac hore.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this