Sign in to follow this  
Deeq A.

Galmudug Oo Sheegtay Inuu Farmaajo Fashiliyay Wadahadalladii Laga Dhaxwaday Isaga iyo Rooble.

Recommended Posts

Deeq A.   

Wada hadallo lagu dhaxdhaxaadinayay madaxweynaha waqtigu ka dhamaday ee Farmaajo iyo Ra’iisul wasaare Rooble aya goor dambe oo xalay ah Fashil kuso dhamaaday.

Wada hadalladan oo uu garwadeen ka ahaa Madaxweynaha Galmudug, Axmed Qoorqoor aya si toos ah xalay fiidkii uga bilawday Villa Somalia iyadoo la filayay in ay mira dhali doonaan.

Hase ahaate wasiiru dawlaha Madaxtooyada Galmudug Cumar Shiddo ayaa sheegay in fashilka wada hadalku uu yimi kadib markii “Caqabdo ka yimideen dhanka farmaajo” halka garabka Rooble ay muujiyeen bisayl iyo dabacsanaan.

Qodobada la isku mari waayay waxa kamid ahaa:-

Wasiirka amniga oo farmaajo uu dalbaday in laga qaado Cadullahi maxamed Nuur iyo sido kale magacaabista taliska NISA.

Fashilkan ayaa noqonaya kii labaad ee muddo laba todobaad ah ku yimaada wadahadallo laga dhaxwaday Farmaajo iyo rooble, waxana muuqata in labada Nin kan hore uu doorbidayo in cadaalad aysan helin Ikraan tahliil.

GOOB JOOG NEWS.

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this