Sign in to follow this  
Deeq A.

Galmudug oo sheegtay inuu Farmaajo fashiliyay wada-hadalladii laga dhexwaday isaga iyo Rooble

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiiru Dowladah madaxtooyada Maamul Goboleedka Galmudug Cumar Shido oo qoraal soo dhigay Bartiisa Facebook waxa uu ku sheegay in wadahadalka ka dhex socday Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo & Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble uu guuldareystay.

Cumar waxa uu tilmaamay in wadahadalka socday maalmihii lasoo dhaafay in mararka qaar uu soconayay 18-saac, balse aanay jirin Natiijo muuqata oo lasoo bandhigi karo wada-xaajoodkaas ay garwadeynka ka ahaayeen Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal & Madaxweynaha Maamul Goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor-Qoor.

Wasiiru Dowladaha Madaxtooyada Galmudug ayaa intaas ku daray in dhanka Ra’iisul Wasaaraha uu biseyl siyaasadeed uu ka muuqday balse caqabadda ay kala kulmeen Madaxtooyada Soomaaliya sida uu ku muujiyay Qoraalkiisa oo bannaanka soo dhigay halka uu marayo wadahadalka.

“Sidaad lawada socoteen Madaxweyne dowlada Galmudug Ahmed Abdi Kariye (Qoorqoor) oo maalmahan ah ku howlanaa xalinta khilaafka ka dhashay kiiskii Ikraan Tahliil, oo sababay muran aad u balaaran, oo u dhaxeeyo Madaxweyne Farmaajo iyo Raisal wasaare Rooble. Dadaal badan oo uu bixiyay Madaxweynaha Galmudug oo marxalado badan soo maray iyadoo xiliyada qaar ay shirarku qaadanayeen ku dhawaad 18 saac, ayaa gunaanadkii wuxuu kusoo dhamaaday fashil, iyadoo Rw Rooble garabkiisa ay muujiyeen biseyl badan halka dhinaca kalena lagala kulmay caqabad aad u waaweyn oo soo dadajisay inuu wada hadaladii socday caawa ay istaagaan” ayuu yiri Cumar Shido.

Qodobada la isku mari waayay waxa kamid ahaa:-

Wasiirka amniga oo farmaajo uu dalbaday in laga qaado Cadullahi Maxamed Nuur iyo sido kale magacaabista taliska NISA.

Fashilkan ayaa noqonaya kii labaad ee muddo laba todobaad ah ku yimaada wadahadallo laga dhaxwaday Farmaajo iyo Rooble, waxana muuqata in labada Nin kan hore uu doorbidayo in cadaalad aysan helin Ikraan tahliil.

The post Galmudug oo sheegtay inuu Farmaajo fashiliyay wada-hadalladii laga dhexwaday isaga iyo Rooble appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this