Sign in to follow this  
Deeq A.

Maxkamad dil ku xukuntay Trump iyo Maxamed Bin Salman

Recommended Posts

Deeq A.   

Sanca (Caasimada Online) – Maxkamad ku taal dalka Yemen ayaa xukun dil ah ku xukuntay 10 qof oo ay ku jiraan madaxweynihii hore ee Mareykanka Trump iyo dhaxalsugaha Sacuudiga Maxamed Bin Salman.

Maxkamadda ayaa sidoo kale liiska 10-ka ee la xukumay ku dartay Boqorka da’da ah ee Sacuudiga Salmaan Bin Cabdulcasiis Aala Sacuud, waxaana dadka la xukumay loo heystaa xasuuq laba sano ka hor lee geystay arday reer Yemen ah.

Riyaad al-Ruzaami oo ah garsooraha xukunka riday ayaa sheegay inuu seddexdaan eedeysane xukunka ku riday iyagoo ka maqan maxkamadda horteeda isla markaasna mar uun lagu fulin doono xukunka dilka ah ee lagu riday.

Maxkamadda xukunka riday ayaa ku taalla gobolka Sacda ee dhaca dhinaca waqooyi-galbeed ee dalka Yemen, waxaana xukunka ay soo saartay si weyn u hadal hayo warbaahinta caalamka gaar ahaan kuwa Carabta.

Xasuuqa loo heysto 10-kaan qof ayaa waxaa fuliyey diyaaradaha xulafada Sacuudiga, waxaana sanadkii 2018 lagu beegsaday Bas ay saarnaayeen carruur iskuuleey ah, sida ay sheegtay Wakaaladda Wararka Yemen ee SABA.

Baska ardayda waday ayaa gantaal lagu dhuftay isagoo dhex maraya suuq ku yaalla magaalada Dahyan ee gobolka Sacda. 50 qof oo rayid ahaa, oo u badnaa carrur arday ah ayaa ku dhintay halkaas, ku dhawaad 80 kalena waa ay ku dhaawacmeen.

Garsooraha Xukunka riday ayaa sidoo kale sheegay in dhammaan 10-ka la xukumay laga rabo inay bixiyaan ganaax lacageed oo dhan 10 bilyan oo doolar, taasoo la siin doono ehelada dadkii ku dhintay duqeynta.

Dadka kale ee xukanka kasoo muuqday ayaa waxaa kamid ah madaxweynihii xukuumadda Riyaad taageerada ka heystay ee Yemen, Cabdi Rabu Mansuur Haadi, Amiir Turki bin Bandar bin Maxamed bin Cabdiraxmaan Aala Sacuud – oo ka tirsan amiirrada boqortooyada Sacuudiga – xoghayihii hore ee waaxda gaashaandhigga Mareykanka James Mattis iyo saraakiil hore oo ka tirsanaan jiray dowladaha Mareykanka iyo Yemen.

The post Maxkamad dil ku xukuntay Trump iyo Maxamed Bin Salman appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this