Sign in to follow this  
Deeq A.

Khasaaro Ka Dhashay Qarax Ka Dhacay Garoonka Diyaaradaha Buulo-burde

Recommended Posts

Deeq A.   

Wararka naga soo gaarayo degmada Buulaburte ee gobalka Hiiraan ayaa sheegaya in qarax miinada nooca dhulka lagu aaso ah lagu bur buriyay qeybta nasiinada ee garoonka diyaaradaha degmada.

Qaraxa ayaa la sheegay in si gaar ah uga dhacay qeybta dadka shacabka ah ay ku sugaan diyaaradaha, xilli uu ka dhashay qaraxa khasaaro isugu jira mid hantiyadeed iyo Mid naftaba.

Inta la xaqiijiyay hal qof oo shacab ah ayaa ku dhintay qaraxa saaka ka dhacay garoonka diyaaradaha Degmada Buuloburte.

Maamulka degmada ayaa xaqiijiyay in qaraxa ay ka dambeeyen Ururka Alshabaab.

242096728_10159794077011085_552794701743 242143302_10159794077111085_889149389262 242145001_10159794077156085_907194175133 242145983_10159794077396085_778035996328 242198514_10159794077326085_175952970917 242260408_10159794077216085_881287478787

Goobjoog News

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this