Sign in to follow this  
Deeq A.

HirShabelle oo tallaabo ka qaadeyso xubnihii buuqa ku sameeyey doorashada

Recommended Posts

Deeq A.   

Jowhar (Caasimada Online) – Guddoonka baarlamaanka HirShabelle ayaa si adag wuxuu uga hadlay buuqii xalay lagu sameeyey doorashada Aqalka Sare, gaar ahaan kursiga UH #14 oo dib loo dhigay, kadib markii ay xubno ka tirsan Golaha buuq ka sameeyeen hoolka.

Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee baarlamaanka dowlad goboleedka HirShabelle Siraaji Sheekh Isxaaq Cabdulle oo ka hadlay falkan ayaa sheegay in guddoonka uu gudbiyey dacwad ka dhan ah xildhibaanada buuqa sameeyey, si looga tiigsado sharciga u yaalla.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in xildhibaanada dacwadda laga gudbiyey oo gaaraya illaa saddex xubnood lagu qaadayo waxa uu ka qabo heer hoosaadka u yaalla baarlamaanka.

“Saddex xildhibaan oo ka mid ah xildhibaannadii codeynayay ayaa sameeyay qaab anshax darro ah, dacwaddooda waxaa loo diray sharciga oo ah meesha lagu kala baxo, xeer-hoosaadka inoo yaalla wixii ku qoran ayaa lagu qaadayaa,” ayuu yiri Siraaji Sheekh isxaaq.

Siraaji ayaa intaasi kusii daray in doorashada kursigan la qaban doono isla maanta, maadaama xalay fowdo ku sameeyeen xildhibaano ka tirsan golaha wakiilada.

Kursigan oo ah kii lixaad oo doorashadiida lagu qabanayo Jowhar ayaa waxaa ku tartamaya musharixiinta kala ah Cali Shacbaan Ibraahim, Cabdulqaadir Xanafi Sheekh Bashiir, Cabdullaahi Axmed Tawaad, Caasho Xuseen Abuukar iyo Cabdalle Cabdi Xuseen.

Si kastaba doorashada HirShabelle ee Golaha Aqalka Sare ayaa mareysa heer gabagaba, waxaana lagu wadaa in saddex kursi ee ugu dambeysa lasoo doorto saacadaha soo socda.

The post HirShabelle oo tallaabo ka qaadeyso xubnihii buuqa ku sameeyey doorashada appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this