Sign in to follow this  
Deeq A.

Daawo: Wiil dhallinyaro ah oo isku daldalay xaruntiisa ganacsi ee Muqdisho + Sababta

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Fal aad looga naxo ayaa wuxuu maanta ka dhacay magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya, gaar ahaan Degmada Waaberi, halkaasi oo wiil dhallinyaro ah ii isku dilay.

Wiilka dhallinyaro ah, oo lagu magacaabay Cabdiraxmaan Cabdullaahi oo Harqaan ku lahaa meel u dhow isgoyska Dabka ayaa isku dal-dalay gudaha xaruntiisa Ganacsi. Waxaa la waayey maalintii Khamiistii aheyd markaas oo la waayey nolol iyo geeri.

Ehelada wiilkaan ayaa go’aansaday maanta inay jabiyaan xaruntiisa, waxaana si lama filaan ah loo arkay isagoo ku xiran xariga uu isku daldalay, oo meyd ah.

Lama ogo waqtiga rasmiga ah ee uu Cabdiraxmaan is daldalay maadaama la waayey Maalintii Khamiista aheyd, waxaana loo badinayaa inuu is daldalay Jimcihii, sida ay sheegeen xubno ka mid ah ehelka.

Qaar ka tirsan dadka deegaanka ayaa sheegay in wiilkaan dhallinyarada ah uu maalmihii dambe ku jiray buuq dhanka qoyska ah, oo aan faah-faahin laga bixin.

Cabdiraxmaan ayaa qoray warqad dardaaran ah oo uu ku sheegay inuu leeyahay xaas iyo laba caruur, warqaddaas oo laga ag helay meydkiisa.

Wiilkaan ayaa ahaa wiil dhallinyaro ah oo si weyn looga yaqaanay Degmada Waaberi, wuxuuna muddo dhowr sano ah ka shaqeenayey tolista dharka noocyadiisa kala duwan.

Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska Soomaaliya oo gaaray xarunta uu wiilkaan isku daldalay ayaa meydkiisa u qaaday xarunta dambi baarista ee CID.

The post Daawo: Wiil dhallinyaro ah oo isku daldalay xaruntiisa ganacsi ee Muqdisho + Sababta appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this