Sign in to follow this  
Deeq A.

Falcelin weyn oo ka dhalatay wareegtadii yaabka laheyd ee kasoo baxday Farmaajo

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Qaar ka mid ah siyaasiyiinta ugu caansan Soomaaliya ayaaka fal-celiyey wareegtadii shalay ka soo baxday xafiiska Madaxweynaha muddo xileedkiisa dhamaaday Farmaajo ee ku sheegay in uu hakiyey awoodihii Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Maxamed Xuseen Rooble.

Haddaba waa kuwan siyaasiyiinta ka hadlay iyo qoraalladooda.

Cabdullaahi Goodax Barre: Waxaan aad uga xumahay xaaladda cakiran iyo jahwareerka uu dalka geliyay Madaxweynaha muddo xileedkiisa dhammaaday. Waa sharci darro wuxuu maanta sameeyay, mana jirto meel ay uga qoran tahay Dastuurka KMG inuu shaqada ka joojin karo Ra’isul Wasaaraha XFS.

Cabdi Faarax Juxa: Madaxweyne Farmajo: “Aniga ama waxba”. Qalinka Farmajo khad sharciyadeed ma laha, warkiisuna wuxuu keli ah ka dhigan yahay aan is-dillo. Xilligan cidda keli ah oo haysata heshiis siyaasadeed oo ay u dhan yihiin Dawlad-goboleedyada iyo mid sharci oo ah xilgaarsiin waa Xukuumadda R/W Rooble.

R/W Rooble ayey xilliga kala guurka ah saaran tahay amaanada iyo kalsoonida Soomaaliduba. Awood-dhimis R/W waa erey cusub oo Farmajo kusoo kordhiyey luuqadda siyaasadda Soomaalida.  Dawlad-goboleedyada, shacabka Soomaalida iyo Beesha Caalamkuba waa inay is-garab taagaan R/W Rooble si uu dalka doorasho u gaarsiiyo.

Taabit Cabdi Maxamed: Ninkii geedka tab looga dago garan waayay ee ka soo dhacay, baa laga hayaa “Dagashadaba ka Fudud.” Villa Somalia oo markii horeba qaaday waddo dhammaadkeedu cirif tahay, ayaa maanta cirifkii iska tuurtay, waana meesha uu damaca dhukan iyo ku tagrifal awood ku idlaado. Madaxweyne sharciyad ku jooga ayaanan laheyn awood dastuuri ah ee uu ku hakin karo ama xil uga qaadi karo Raisulwasaare, iskaba daayee isaga oo muddo xilleedkiisii dhammaaday.

Qoraalka Villa Somalia waa in R/W Rooble laga weeciyo hawlihiisa dastuuriga ah ee dardar gelinta doorashada, sugidda amniga, ilaallinta dhaqaalaha ummadda xilligan kala guurka iyo hor-istaag caddaalad u raadinta #IkraanTahliil iyo qoyskeeda. Waxaan shacabka Somaaliyeed & dunida saaxiibka la ah Soomaaliya ugu baaqayaa in si buuxda loo garab istaago sharciga, caddaaladda iyo hannaanka doorasho ee RW Rooble hormuudka u yahay. 

Xasan Maxamed Muungaab: Tallaabada uu maanta qaaday Madaxweynaha muddo xilkeedkiisu dhammaaday ee Maxamed Farmaajo, waa sharci darro, mana jirto meel ay Dastuurka KMG ah uga qoran tahay inuu Madaxweyne shaqada ka joojin karo Ra’iisal Wasaaraha. Warqadda uu soo saaray Farmaajo waa is-miidaamin siyaasadeed, falaad iyo foori diiran, sii hurin khilaafkii siyaasadda iyo abuurista jawi keena qalalaase amni.

Ra’iisal Wasaaraha iyo Xukuumadda markay waayaan kalsoonida Baarlamaanka JFS kaliya ayuu Madaxweynuhu xilka ka qaadaa sidda ku cad qodobka 90-aad, Xarafka (d) ee Dastuurka KMG ah.

Ujeedada ugu weyn ee uu ka leeyahay waa inuu ku hor istaago dadaalada lagu doonayo in Kiiska Ikraan Tahliil laga gaaro caddaalad, lana caddeeyo ciddii mas’uulka ka ahayd. 

Shacabka Soomaaliyeed waxaan ugu baqayaa in ay garab istaagaan dadaalada uu wado Ra’iisal Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ee lagu doonayo in Dalka ay ka dhacdo Doorasho hufan iyo in Ikraan Tahliil ay hesho Caddaalad.

Wasiir KhadiijaMaxamed Diiriye: “Dastuurka KMG ah qodobadiisa waa cad yihiin xarfihiisa T J X KH D R yaan la isku marin habaabin. Haddaan mid kaliya ka soo qaato, madaxweynaha awoodiisa Dastuurka ugu qoran waa mid kaliya oo ah hebel hebel ama fulaan fulaan ayaan u magacaabay Ra’iisul Wasaare, laakiin qofka uu magacaabo kuma noqon karo Ra’iisul Wasaare magacaabista madaxweynaha kaliya oo taasi awoodiisa kama mid aha, waa laga diidi karaa qofkaas ama wuxuu heli karaa xasaanada Golaha Shacabka”.

The post Falcelin weyn oo ka dhalatay wareegtadii yaabka laheyd ee kasoo baxday Farmaajo appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this