Sign in to follow this  
Deeq A.

CC Shakuur oo sheeko hore oo cajiib ah uga jawaabay wareegtadii FARMAAJO

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) –  Siyaasi Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ahna musharax u taagan xilka madaxweynimo ee Soomaaliya ayaa qaab sheeko faneed ah uga jawaabay Wareegtadii uu shalay soo saaray madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaaday, taasi oo uu ku sheegay inuu ku hakiyay awoodihii Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Maxamed Xuseen Rooble.

Hoos ka aqriso qoraalka Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo dhameystiran.

Warqadda Farmaajo waxey i soo xusuusay sheeko xariirtii caanka ahayd “Dharka Cusub ee Boqorka “The Empero’s New Clothes” ee qoraaga reer Denmark, Hans C. Andersen uu 1837 qoray. Qisadu waxay ku saabsanayd Boqor labbiska aad u jecel, keliya maahee waxay ugu baxdaa in dadka uu xukumayo, uu isku soo bixiyo kaddibna ku dhex xarrakoodo.

Labo harqaanle oo xarfaan faraha kala xada ah ayaa yimid beledkii boqorka ka talinayey. Waxay sheegteen in ay toli karaan dharka ugu qurxan, kana tolayaan naqshad aan horay loo arag.

Boqorkii ayaa farriintoodii la gaarsiiye. Wuxuu dalbaday in loo keeno. Waxay u sheegeen in dharka ay tolayaan ishu qaban karin, aysana doqomadu arki karin. Waxay dalbadeen xariir iyo dahab ay dharka ka tolaan iyo lacag fara badan oo ay shaqada ku qabtaan.

Markii ay muddo la maqnaayeen ayuu boqorkii wasiirkiisii u diray labadii harqaanle. Wuxuu u tegey rag xuurtaysan oo hawl haya oo neeftu ka tuurmayso. Waxay ku yiraahdeen sow dharku qurux maaha? Wasiirkii wuxu yiri “ war anigu wax ma arkee, malaha doqon ayaan ahay”.

Boqorkii ayuu ku laabtay, wuxuuna u sheegay in tolliinkii dhammaad yahay, isagoo ka cabsanaya in doqonimo lagu sheego. Ugu danbayn raggii way yimaadeen, boqorkiina dhar aan la arkaynin ayey ku cabbireen. Boqorkiina isagoo ka baqaya, yaan nacas lagu oran ayuu labbis aan loo jeedin jam isku siiyey.

Subixii danbe ayaa dadkii la isku soo bixiyey, si uu boqorku ugu xarrakoodo dharka ay dadka caqliga leh oo keliya arki karaan. Cid walba waxay ka cabsatay in caqli la’aan lagu sheego, haddii ay dharka arki weyso, laakiin wiil yar ayaa hal mar la soo booday “ boqorku dhar ma qabo ee waa qaawanyahay” dadkii oo dhan ayaa mar qura codkoodii is qabsaday “Boqorku waa qaawanyahay” boqorkii wuu cararay oo hoygiisii ayuu dib u galay.

Farmaajo waxaan leenahay wiilasha ku leh dhar aan loo jeedin ayaan kuu xiraynaa, yaysan ku ceebaynin. Rooble waxaan leenahay waa la wada arkaa in ay odaygu marada ka dhacday, oo eryiddii Fahad ayaad dadka ku tustay in uu qaawan yahay ee intaas ugu sin, doorashana ka aad.

The post CC Shakuur oo sheeko hore oo cajiib ah uga jawaabay wareegtadii FARMAAJO appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this