Sign in to follow this  
Deeq A.

Dowlad goboleedyada oo wadajir uga hadlay khilaafka Farmaajo iyo Rooble

Recommended Posts

Deeq A.   
PhotoCollage_20210917_045226361.jpg?resi

Madaxweynayaasha Puntland, Koonfur Galbeed, Jubaland, Galmudug iyo Hirshabelle ayaa khadka telefoonka uga wadahadlay khilaafka sii xumaanaya ee madaxda federaalka.

War-saxaafadeed ay wadajir u soo saareen shanta madaxweyne dowlad goboleed ayaa lagu sheegay in ay ka xun yihiin khilaafka soo noq noqonaya ee hay’adaha Federaalka Soomaaliya oo ay ku tilmaameen mid aan u adeegeyn danta Qaranka, horseedina kara xasilooni darro amni iyo dib u dhac dowladnimada Dalka Soomaaliya ee xiliga kala guurka ah.

Madaxweynayaasha dowlad goboleedyada ayaa soo jeediyay qodobo ay u arkaan in xal looga gaari karo khilaafka Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha, kuwaas oo kala ah:

1. In dhammaan wixii khilaafaad ah lagu xaliyo tubta wada hadalka, lana joojiyo qoraalada sii fogeynaya xal u helista khilaafka. Sidoo kalena, la tixgeliyo ku dhaqanka Dastuurka Kumeel gaarka ah ee Dowladda Federaalka Soomaaliya.

2. In la ixtiraamo, laguna dhaqmo heshiisyadii ay horey u gaareen Madaxda Dowladda Federaalka ah iyo Dowladaha Xubnaha ka ah ee 17 September 2020, 27 May 2021 iyo 22 August 2021. Lana sii xoojiyo wada shaqeyntii guulaha lagu gaarey ee u dhaxeysa Madaxda Dowladda Federaalka ah iyo Dowladaha Xubnaha ka ah ee lagu fududeynayo qabsoomidda doorashada Dalka.

3. In Xaaladda baaritaanka Sarkaalad Ikraan Tahliil Faarax loo maro hannaanka Qaanuunka Dalka, iyadoo loo madax banaynayo hay’adaha ku shaqada leh.

4. Madaxweynayaashu waxay ugu baaqayaan Guddiyada Farsamo ee hirgelinta doorashada ee labada heer (FEIET iyo SIEIT) in ay waajibaadkooda u gutaan si waafaqsan habraacyada doorashada ee la saxiixay 22 August 2021.

5. Madaxweynayaashu waxay Ummadda Soomaaliyeed guud ahaan ugu baaqayaan in laga wada qayb qaato xasiloonida iyo in Dalka ay ka dhacdo doorasho hufan oo nabad ah si Dalku u helo horumar dhinac kasta ah.

6. Madaxweynayaashu waxay Beesha Caalamka ka codsanayaan in ay dadajiyaan taageerada farsamo iyo dhaqaale ee hirgelinta doorashada.

7. Ugu dambeyn, Madaxweynayaasha Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka waxay shir isugu imaanayaan Magaalada Garowe 21 – 23 September 2021 si ay uga arrinsadaan dardargelinta qabsoomidda doorashooyinka iyo guud ahaan xaaladda Dalka.

PUNTLAND POST

The post Dowlad goboleedyada oo wadajir uga hadlay khilaafka Farmaajo iyo Rooble appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this