Sign in to follow this  
Deeq A.

Maxkamadda Ciidamada Soomaaliya oo xukuntay Rag af-duubyo fulin jiray

Recommended Posts

Deeq A.   
1.jpeg?resize=1000%2C750&ssl=1

Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliya, ayaa maanta min shan iyo toban sano oo xabsi ciidan ah ku ridday laba nin oo lagu helay in ay ganacsatada Muqdisho ku baadi-jireen magaca Al-shabaab.

Maxamed Cali Cabdi Isxaaq iyo Axmed Yaasiin Xaaji Gaabow ayaa xeer-ilaalinta Ciidamadu ku soo oogtay dacwad la xiriirta in ganacsatada ku baadi-jireen magaca Al-shabaab, islamarkaana ay madax-furasho ka qaateen dad ay af-duubteen.

Xafiiska Xeer Ilaalinta ayaa ka codsaday in loo ciqaabo dambigii ay galeen Maxamed Cali Cabdi Isxaaq iyo Axmed Yaasiin Xaaji Gaabow oo Muqdisho ka abuuray weji cusub oo u baahan in ladabar jaro.

Ugu dambayn, maxkamadda ayaaa sheegtay in labadan nin lagu xukumay min shan iyo toban sano oo xabsi ciidan ah balse ay haystaa mudda 30 cisho oo Rafcaan ah.

PUNTLAND POST

The post Maxkamadda Ciidamada Soomaaliya oo xukuntay Rag af-duubyo fulin jiray appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this