Miskiin-Macruuf-Aqiyaar

Hambalyo to the newest Soomaali xildhibaan in the West

Recommended Posts

Maryan Cabdi Xuseen oo noqotay xildhibaankii ugu horeeyey ee Soomaali ah oo ku biirta barlamaanka Norway

205232.jpeg

Maryan Cabdi Xuseen oo ah haweenay kasoo jeeda Soomaaliya ayaa taariikh cusub sameysay, kadib markii ay noqotay qofkii ugu horreeyay oo Soomaali ah oo ka mid noqda baarlamaanka dalka Norway.

Maryan  Cabdi ayaa noqotay haweeneydii ugu horeysay oo muslim ah oo ka soo dhex muuqato baarlamaanka Norway iyadoo xiran xijaab kadib markii ay ka mid noqotay golahaas.

Kahor xirfadeeda siyaasadeed, Maryan waxay ahayd guddoomiyaha Ururka Ardayda Soomaaliyeed (SSF), iyadoo ay ka mid ahayd xubnihii aasaasay oo uu ka mid ahaa ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya Xasan Cali Kheyre.

Maryan ayaa sheegtay in ay siyaasadda u gashay duruufo haysta bulshada ay ka dhalatay iyo guud ahaan shacabka dalkaas oo ay rumaysan tahay in ay wax ka qaban karto hadii ay haatan ku guulaysatay in ay ka mid noqoto baarlamaanka.

Qoraal uu soo saaray raysal wasaarihii hore ee Soomaaliya, Xasan Kheyre ayuu ugu hambalyeeyay Maryan Cabdi Xuseen guushii ay gaartay, maadaama ay noqotay xildhibaankii ugu horreeyay oo Soomaali ah oo ka tirsan baarlamaanka Norway.

"Xildhibaanka cusub iyo dhammaan Soomaalida Norway, waxaan idinku hambalyeynayaa guushii taariikhiga ahayd ee Maryan," ayuu ku yiri ra'iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya Xasan Cali Kheyre qoraal uu soo dhigay bartiisa Twitter -ka.

Xigasho

Share this post


Link to post
Share on other sites

Bahal u egyahayba? Nuur Bidaar dilkiisa muu ka qeybqaatay? 

Reerkiisa waa dacween karaan. Remember Cabdi Qeybdiid's arrest in Sweden in 2005 after a victims' families dacwo ku fureen, alleging he killed their relatives in Kismaayo 1991. I still remember it, orod dalkaas ugu soo dhoofay. 

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.