Sign in to follow this  
Deeq A.

Runtu Ma Fantaa-Dimoqoraadiyaddu Doorashadda Keliya Maaha! Ambassador, Adam Muse Jibril.

Recommended Posts

Deeq A.   

Doorashadii Somaliland ka dhacday 31/5/021 waxay ku soo dhammaatay guul wayn oo u soo hoyatey Somaliland, taas oo ku soo biirtay guulihii hore, siina xoojisay iftiinka Geedi-socodka dimoqoraadiada iyo horumarka Somaliland, iyo guud ahaan tan Geeska Africa. Sidaas ooy tahay, haddana waxaa kaloo soo baxay god-daloolooyin halis ah oo loo baahan yahay in lagu eego aragti aan ku-danaysi iyo kursi-doon ku salaysnnayn, balse loo maro hanaan Daacadnimo iyo Xeel-dheeri ah, kana bilaabmaysa dib u eegid iyo qiimayn looga jeedo ogaanshaha dhaliilaha ka soo baxay waxii la soo maray ee in la daboolo u baahan. Dhalliisha ugu darran ee ka soo if-baxday Geedi-socodkii dimoqoraadiyada Somaliland waxaa lagu soo koobi karaya Fashalkii ku dhacay Xisbiyada Siyaasadda Somaliland guud ahaan, iyo gaar ahaanba:

Xisbiyada siyaasadda Somaliland waxay nuxur ahaan ku dhismeen reernimo ama reero is-garabsada, taas oo la xidhiidha maqnaanshaha aragti siyaasadeed iyo qorshe qaran oo horseed u ah (lack of National political doctrine) oo sababtay inay ka xoroobi waayaan Xayndaabka reernimada una gudbi kari waayeen xisbiyo qaran oo magaca dhaafsiisan. Haddaba, su’aashu waxay tahay; sidee Xisbiyada siyaasadda Somaliland uga gudbi karaan Xayndaabka reernimada una kasban karaan kalsoonida reeraha kale iyo bulshooynka kale ee Somaliland, haddaba, si taas loo helo waxaa baahi wayn loo qabaa in:

1. In Madaxda Xisbiyada siyaasaddu horumarinta Xisbiyada u adeegsadaan adduun-arag isbeddel doon ah (Reform oriented National thinking) oo ku dhisan waayo-argtida iyo aqoon-wadareedka Adduunwaynaha heerka uu maanta gaadhsiisan yahay, taas oo ah waddada keliya ee loo sii marayo ogaanshaha marba waxa ka dhiman dhamays-tirka qore-qarameedka, ugu horreyso qorshe-Xisbiyeedka lagu hormarinayo dhismaha xisbiyada (Party Building Strategy).

2. In la ballaadhiyo aagga aragtida lana derso waxa Afrika ka jira dhinaca dhismaha Xisbiyada siyaasadda, kuwaas oo xilkoodu yahay xaqiijinta ujeedada ah ka gudubka kala qaybsanaanta bulshada Afrika ee reernimada ku salaysan oo loogu gudbi lahaa heerka ummadnimmada. Taasi waxay iman karta haddii la higsado siyaasad isbeddel-doona oo ku salaysan geedi-socod joogtaysan oo ka bilaabmaya in la helo qaab Xisbinimo qaran, Caddaalad, iyo dimoqoraadiyad ku dhisan.

3-Xisbigu waa in uu yahay xarun cilmiyeed (School of Thought) iyo ilaaliyaha Xuquuda dadka dalka oo dhan kana reebanaada mid u taagan xuquuqda reer keliya ama koox qudha, taas beddelkeeda waa inuu xisbigu yahay mid u taagan danta dadka dalka oo dhan. Sidaas darteed, waa in xisbigu daafacaa xuquuqdda bulshada nugul ee reernimadu hadhaysay, sida bulshooyinka laga tirada badan yahay, dumarka, iyo xuquuqda shaqaalaha noocydiisa kala duwan. Xisbina ma gudan karo xil ku dhisan dimoqoraadiyad haddii aanu isaga naftiisu ahayn xisbi dimoqoraadi ah oo go’aannadiisa lagu gaadho qaab wadareed (Collective, Bottom-up based institutional manner) oo ka fog nin-toocsi iyo keli-talis-nimo. Go’aamada xisbigu waa in aanay noqon kuwo dadka korka kaga yimaada, balse noqdaan kuwo ka yimaada hoos-iyo korba.

4-Shaqaaluha iyo loo-shaqeeyuhu waxay leeyihiin xuquuq siman, oo ay tahay in ay isu dheelitirmaan, Sidaas darteed, waa in xisbiyadu yihiin kuwo u taagan xuquuqda maqan nooc kasta ooy tahayba. Waxaa kale oo loo baahan yahay in xisbiyadu dhiirri-gelyaan abuuritaanka iyo horumarinta uruurrada Bulshada (Trade Uinions) si xisbigu u helo taageerada uruurrada Bulshada halkii uu ku tiirsanaan lahaa tageerada reernimada keliya, si xisbigu ugu muuqdo xisbi Qaran.

5-Isku-dheelitirka danaha beelaha Somaliland xagga ka qayb-galka maamulka dawladnimada iyo u sinaanta dhaqaalaha oo ah mabda’a dhextaalka u ah deganaansha, nabdadda iyo dhismaha qaranka, taas oo la’aanteed aanay dimoqoraadiyada iyo Caddaaladi jiri karin. Haddaba Xisbiyada Siyaasadda Somaliland waa inay lahaadaan qorshe qaran oo ku aaddan daboolidda tabashooyinka beelaha darafyada oo ah tan saldhigga u ah dhamaystirka Qaranimada Somaliland.

6-Xisbiyada Qaranka Somaliland waa muhiim inay ogaadaan waxa ka jira Afrika iyo adduunka iyo hanaanka Xisbyada dimoqoraadiga ahi u shaqeeyaan iyo waayo-arragtida ah in dalna aanu noqon karin dimoqoraadi haddii aanu ka jirin xisbiyo dimoqoraadi ahi.

Dalalka Afrika ee ay ka hirgaleen xisbiyo hanaqaaday, kuwaa soo xisbiyada Somaliland wax badan ka barran karaan, waxa ka mid ah Suudan, Koonfur Afrika iyo Senegal, iwm. Kuwaas oo ay Xisbiyada Somaliland xidhiidh sokeeye la samaysan karan, si ay wax uga bartaan, ugana korodhsadaan. Ceeb maaah inaad wax bartid, balse waxa ceeb ah inaad waxba baran waydo.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this