Sign in to follow this  
Deeq A.

Soomaaliya oo ka qayb-gashay kulan ku saabsan mustaqbalka Hawlgalka AMISOM

Recommended Posts

Deeq A.   
5.jpg?resize=1000%2C616&ssl=1

Wasiirka wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Senator Xasan Xuseen Xaaji, ayaa ka qeybgalay kulan fogaan arag ah ee AU PSC, oo ku saabsanaa mustaqbalka howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya waxii ka dambeeya Sanadka 2021-ka.

Kulanka waxa lagu bogaadiyay bayaankii wadajir ahaa ee dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Midowga Afrika ee ku saleysana 19-kii bishii Agoosto 2021 Muqdisho.

Wasiirka Gaashaandhigga  ayaa soo jeediyey in laga gudbo warbixintii qiimeynta madaxa bannaan ee AU-da ee dhawaan ay DFS diiday.

Waxa uu adkeeyey in goluhu ay ahmiyadda siiyaan rabitanka dowladda Federaalka Soomaaliya iyo shacabkeeda marka ay go’aaminayaan arrimaha ku saabsan amniga iyo nabad galyadda dalka Soomaaliya.

PUNTLAND POST

The post Soomaaliya oo ka qayb-gashay kulan ku saabsan mustaqbalka Hawlgalka AMISOM appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this