Sign in to follow this  
Deeq A.

Wasiir & Sheekh isaga jawaabay Qadiyada Weriye Coldoon Munaasabad lagu qabtay Hargeysa

Recommended Posts

Deeq A.   

Wasiir & Sheekh isaga jawaabay Qadiyada Weriye Coldoon Munaasabad lagu qabtay Hargeysa

 jiir.jpg

Waxaa soo kordhaya dhawaaqyada codadka kala duwan ku darsanaya xadhigga Cabdimaalik Muuse Coldoon oo dhowaan lagu xidhay Jamhuuriyadda Iskeed Madaxbannaanida ugu dhawaaqday ee Somaliland.

Cabdimaalik, ayaa la xidhay laba toddobaad ka hor mana ahan markii u horraysay ee xabsiga la dhigo.

Dadka dhaliila ayaa ku eedeeya in uu badanaa soo bandhigo “dhaliilo iyo eedaymo aan caddayn ku filan lahayn”, badanaana uu ka hadlo “wax aan khusayn.”

Halka kuwo kale ee taageeraana ay u arkaan “shakhsi xaq u dirir ah oo difaacaya diinta Islaamka iyo dhaqanka wanaagsan”.

Coldoon ayaa dhowaan barihiisa bulshada ku baahiya dad uu sheegay “in ay dhaqan xumo ku faafinayaan gudaha Somaliland”.

Shiikh Cabdirisaaq Cabdillaahi oo ku magacdheer ‘Jenaraal Jiir’, ayaa ka mid ah dadka ka hadlay kiiska xadhiga Coldoon.

Sheekh Jenaraal Jiir, oo ka safray Kenya, wuxuu ka mid yahayculimada maalmihii u danbeeyeyna booqashada ku joogay Somaliland, wuxuuna ka mid yahay Culimo ka kala timid meelo kala duwan oo caalamka ah, kuwaas oo kulan diineed weyn kaga qayb gelayey magaalada Hargeysa.

Shiikh Cabdirisaq Jiir ayaa ka codsaday madaxweyne Muuse Biixi in la cafiyo Cabdimaalik. “Waxaan ka codsanayanaa madaxweynaha Ilaahay dartii, in uu sii daayo ninkaa Ina Coldoon ah, diin buu qabsadaye,” Ayuu madal ka yidhi Shiikha.

Sheekh Cabdirisaaq ayaa hore uga mid ahaa culimo dhowr ah oo madaxtooyada Somaliland kula kulmay Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi

Sheekha ayaa soo hadal qaara sababta dhowr goor culimada loogu eedeeyay in aysan ka hadlin arrinta Coldoon.

“Waa nala dhibay annagoo khayrkaa wadnay. Waxaa nagula maagay social media-ha. Waxaana nala leeyahay ‘maxay uga hadli waayeen ninkii Coldoon?’,” ayuu yiri Sheekha.

Sheekh Jiir oo sii watay jawaabta uu ka bixiyay eedaha loo jeediyay wuxuu yiri: “Annagu ma lihin waa sax iyo waxaa, mana aannaan jeclaysanin sidaa uu isu soo qotomiyey, dadkiina waxay meel kasta ku soo qoreen ‘waa la kulanteen [Muuse Biixi] lacag iyo boorso ayuu idiin dhiibay’.”

Wuxuu intaa ku daray: “Ilaahay dartii baa na loogu yeedhay, annana ilaahay dartii baannu u qaabilnay.”

“Annaga oo ku hadlayna afkii culimada, in aad ina coldoon iyo wixii diinta loo xidhay, noo sii daysid ayaanu kaa codsanaynaa. Waa nala maagaye, oo maxaad uga hadli weydeen ayaa nalagu qabsadaye,” ayuu sii raaciyey hadalkiisa Shiikh Cabdirisaaq Jiir.

 

Isla madashaas waxaa joogay Wasiirka Diinta iyo Awqaafta Somaliland, Sheekh Khaliil Cabdullaahi Axmed, oo isna dhankiisa ka jawaabay codsiga sheekh Cabdirisaaq jiir, wuxuuna sheegay in diinta ilaalinteeda uu madaxweynuhu u dhaartay, kiiskaasina uu maxkamad ku jiro.

“Madaxweynaha wuu balan qaaday in uu diinta Ilaahay ilaalinayo, laakiin qofka hadii uu qaldamo yaan la xidhin dee meelna kuma taalo”, ayuu yiri.

“Xadhiga caqli celinta ayuu ka mid yahay. Imika maxkamad baabu taagan yahay oo kiiskiisa wuxuu yaallaa maxkamadda, cadaalad baanu ka rajeynaynaa Insha Allah. Laakiin ma nalagu bahalo galinanayo wadaad baad xidheen,” ayuu yidhi Wasiir Khaliil.

Dhanka kale Wasiir Khaliil ayaa sheegay in aan diinta loogu soo gabbanin. “Haddi aynu nahay culimo iyo dawlad, illeen dad walaalo ah aynu nahaye, in wixii xun dalkeenna aynu ka qabanno iskuma khilaafsanin, laakiin wixii ujeeddo kale leh ee siyaasad leh, waxaannu leennahay la is khiyaamayn maayo.”

“Diinta cid walba annagaa uga lexjeclo badan, waxaanu idiin hubnaa in aannaan ogolayn oo dastuurkeennuna uu mamnuucay in wax diinta Islaam ahayn aan lagu faafin, waana danbi.”

“(Anigoo ka jawaabaya) kelmaddii uu yidhi Shiikh cabdirisaaq, madaxweynuhu wuu ballanqaaday in la ilaaliyo diinta, laakiin yaan la xidhin qofka khaldama diinta meelna kagama taallo,” ayuu sii raaciyey hadalkiisa Wasiir Khaliil.

Coldoon ayaa la filayaa in maxkamad la soo taago, muddooyinka soo aaddan sida ay baahiyeen warbaahinta gudaha ee magaalada Hargeysa.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this