Sign in to follow this  
Jacaylbaro

Suugaanta Iyo Jacaylka

Recommended Posts

Suugaanta Iyo Jacaylka

“Maxaa Suugaanteenna Jacaylka Ku Cashariyey”

 

 

Xilligii miyiga iyo mileygii dadkeennu 100%, ahaayeen xoolo dhaqatada, gabayga ayaa ahaa midka u sita laamaha maansada, isagaa lagu cabiri jiray meertada nolosha iyo waayaha jiraba; sida, ammaanta, collaadda, nabadda, guubaabada, faanka, digashada, farriinta, ergada, doodda, iyo kaftankaba. Haseyeeshee, xilligii magaalo shafka la dhigey gabaygu dib ayuu u gurtey. Markii uu gabaygu lug danbeediyeyna waxa halkiisii buuxiyey fanmasraxeedka oo noqdey mid la jaanqaada is bedelka xiimaya ee xaallada bulsho iyo dookha dadka, waxaana muhiim ka dhigey waa dabciga soomaalidu u leedahay fan caashaqidda xad dhaafka ah. Damaashaad jeclidda iyo xiiseynta fagaare ku kulanka. Haddaba, haddii aan dib u milicsano taariikhdii fankaasi soo maray, waxa aynu ognahay in fanku soo maray dhawr marxaladood oo mid waliba waayahiisa leeyahay. Waxaanna lagu soo koobi karaa saddex dan xilli ee kala ah;

 

* Bilawgii fanka ( 1954-1962-kii)

* Bari-samaadkii fanka (1962- 1972-kii)

* Aakhirul cimrigii fanka ( 1972 illaa iyo waxii ka dambeeyey)

 

 

Xilligii bilawgu waa aas-aasiddii iyo raad qaadistii, waxaannu bilaabay koritaan dag-dag ah, waxaannu soo jiitey qayb ka mid ah bulshada.

 

Marka aynu nimaadno marxaladda labaad oo ku beegan wakhtigaa aan kor ku xuseney, waa xilligii uu fan masraxeedku yeeshay shacbiyaddii ugu balaadhneyd, noqdeyna gobol ka mid ah nolosha shacbiga.

 

Riwaayaddahii wakhtigaa la dhigey way badnaayeen, waxaanan odhan karnaa way qaan gaadheen. Waxa xilligaa la curiyey riwaayaddihii ugu magaca dheeraa ilaa maantana aan la dafiri Karin iney ugu sarreeyeen. Haddii aan in yar idinka xasuusiyo waxa ka mid ahaa riwaayaddahaasi sidan:

 

* Shabeel naagood

* Hadimo

* Reer ba’aw yaa ku leh

* Aqoon iyo af-garad

* Dab iyo dhagax

* Indho sarcaad

* Ama la I doorey ama daadku i qaad

* Gardiid waa Alle diid

* Laguma dhaamee dhaqaaq

* Gobonnimo ha tuurin

 

 

Haddaba su’aashu waxay tahay masraxa xilligaa maxaa ka dhigey beri-samaad?. Masraxa soomaalida dhawr siyaabood ayaa loo dhigi karaa. Hadaynu se ku soo dhawaanno waxaynu odhan karnaa sidan:

 

* Xorriyadda hal-abuurka oo aan cabudhsaneyn

* Suugaantu xilligaa waxay ahayd tarjumad dhab ah oo cabireysa dareenka dadweynaha

* Dhiillada siyaasadda dawladda iyo falalka ka soo hor jeeda qiyaamka suuban

 

Qawadkii la qawadsanaa maamulka ayaa ka dhigey masraxii beri-samaadka dheri hoosta ka karaaya oo uu masraxu ka qaadanayey uumigii dhaqaajinaayey, waxaana is qoraayay adduun arag iyo qiimayaw cusub oo samaynaya qaabab fara badan oo ay isku muujinaayaan.

 

Haddaba, haddii aan u nimaadno qaybtii saddexaad ee loogu yeedhay aakhirul cimrigii fanka, waa wakhti ku beegan 1973-kii. Fan masraxeedku dhallashadiisii ilaa bilawgii toddobaatannaadkii kor ayuu u socdey, sidii aan ku soo aragney labadii marxalladood ee aan ka soo sheekeynay. Abaaro 1973-kii ayuu bilaabay inuu halkii uu maraayey ku wareego, intii ka dambeysayna hoos ayuu u sii socday, waxaanna dhalatay cillad halis ah, waxaanu galay xilli dib u gurasho iyo marxalad galoof ah. Waa laga yaabaa in dadka qaar yidhaahdaan imisa riwaayadood oo qurux badan ayaa la dhigay xilligaa ka dib, waxase aynu ka hadleynaa waa suugaantii yoolka lahayd ee ka hadleysay tabashada dadka iyo toosinta maamulka

 

Haddii masraxii bari-samaadka ku naaloon jirey. Xoriyatul qawl xilligii askarta arrintu waa is badashay. Qori caaradii iyo car bal juudh dheh ayaa timid, raggii masraxa yoolka leh waraabin jirey waxay noqdeen mid midida daabka loo geliyo, oo dil lagu hadido, mid loo digo, mid xabsi loo diro, iyo mid dibooda oo debeddaha u suudala

 

Goortaa masrixii wuxuu marti u noqday riwaayado tiro badan oo isku hal mawduuc ah. Cudurka qudha ee ay daweeyaanna yahay JACAYL.

 

Ruwaayadahii jacaylka ahaa ma dafiri karno iney lahaayeen qurux mug iyo murtiba leh. Hasayeeshee, farriintooda ayaa koobneyd, cilladuna kama iman xaga hal-abuurka ee waxay ka timi xaga taliska iyo maamulkii dalka. Taliskii askarta ee gacanta kululaa laba qodob ayay suugaanta ka ogolaayeen

 

* Amaanta kacaanka Oktoobar

* Iyo jacaylka

 

 

Haddaba arrintii waxay ku soo ururtey hayska demegsanaatee yeedhaw dam weeyaan. Amintaa ayaa layska hawl yareystay dadkii dhammaantoodna waxay fuulleen dooni jacayl, waxay ku dabaasheen webi jacayl, waxay ka hirqadeen xareed jacayl, waxay subciyeen duruus jacayl. Waxaana la soo hurgufey joonyo riwaayado wada jacayl ah sida kuwan hoose oo aynu ka xusi karno:

 

* Dab jacayl kari waa

* Jin iyo jacayl

* Jeel iyo jacayl

* Jihad iyo jacayl

* Qabrigii jacaylka

* Xuskii jacaylka

* Xeerkii jacaylka

* Xidigtii jacaylka

* Maxkamaddii jacaylka

* Xuud baa liqay jacaylkii

* Jacayl boob uma baahna

 

Jacayl, jacayl, jacayl kuli wada jacayl iyo qaar kaloo badan.

 

Marka aad dhex maaxdo gudaha riwaayadaha jacaylka ah waxaad ugu tagaysaa hadallo qaawan oo si feynaya gabadh jidhkeed sida tusaalayaashan

 

“Ta balaadhan, balaadhan ee bawdada moodo halweyn

 

Ta balaadhan balaadhan ee xaluska mooddo bartiikha”

 

Ama kama foga qiimaha riwaayaduhu iyo heesuhuba jidhka gabadh la bardaaminaayo oo xubnaheeda la sifeynaayo. Tusaale kale waxa aynu soo qaadan karnaa heestan

 

“Markaad sii socoto okay

Markaad soo socoto oreydh

Markaad istaagtana asxan”

 

Haddii wali aan sii milicsano dhanka heesaha, qiyam iyo xishoodba kobtan ayuu goblamay, inkastoo laysla mashaqoobay bal aan tuducyo ka xusno

 

“Aan wadaagno ciyaartee

I weydaarso gacmaha”

 

“Shafka kaalay igu qabo”

 

“yaa garayska kaa fura

Kuu salaaxa gaadada”

 

“Canbaruudka naasaha

Waxba hayga celinee

Ii cantuug dibnaha oo

Shafka igu cam-cam”i

 

Qaaaaaaaaq xeradaa Alla bii!!! Bal waxa ay ku hadlayaan eeg. Ciin bay daaqdey!

 

Waa yaabe! Haasaawaha dhallinteennu ma sidaa suu ahaa mise Art-ka ayaa dhaqanka ka madaxbanaan. Rag iyo dumarkan masraxa ku laacdamaaya, ee isku dhegay ee isla suuxay, waa ayo bulshada ay matelayaan waa su’aale? Tolow ummaddeena cudurka ugu weyn ee hayaa ma jacaylbaa? Imisa qof ayuu sannadkii inaga dilaa tolow?

 

Suugaanteenii sakad walba waadh qalabeysan ayay ka furatay. Cudurka keliya ee ay daweysaana waa jacayl, weliba bilaa lacag bay ku daweysaa. Dawada ay qortaana waxa la yidhaa ”laga laabta ii saar”

 

Waxa iyana astaan u ahaa masrixii jacaylka calaacal iyo baroor aan dhamaaneyn sida

 

Dhintey, lay xabaal, lay dhaxal

 

Luuf-luufay, leeleeley, beerkaa ilaalaada

 

Wadnahaa I foorara, sanbabkaa I ma’dhay

 

Beryahaa maan qadeyn, indhahaa I casaaday

 

Hurdana hadalkeedaba daa.

 

Waxa aynu odhan karnaa waa weedho ku jira riwaayaddahaas aan soo sheegey iyo waliba kuwa kale.

 

Waxa xaqiiqo ah in dhiirigalinta masrixii jacaylku ahaa sakhraamiin, iyo irbad sun ah oo bulshada lagaga sixrayey xaqiiiqada nolosha.

 

“Alle hawraxmee gabay ma jiro wuu asaasaqaye

 

Amaan iyo jacayl bay haddeer eedey maansaduye.”

 

Haddaba su’aasha lays weydiin karaa waxay tahay. Maxaa laga faa’iidey masrixii jacaylka? Waa maxayse farriintii uu gudbinaayey?

 

Haddii aynu si kooban uga jawaabno waxa aynu ku soo koobi karnaa qodobadan hoose

 

* Xoodaaminta dareenka jinsi ee da’ yarta

* Fududeynta xidhiidh sharci darro ah oo dhex mara ragga iyo dumarka

* Jebintii deyrka xishoodka iyo dhawrsanaantii barbaarteenna

* Fududeynta tumashada

* Ka fogaanshaha nolosha dhabta ah

 

 

Guntii iyo gunaanadkii qoraalkeygan kooban waxa aan ku soo gunaanadi su’aalo aan u arko in ay muhiim yahiin. Garanay goorta ay suugaanteennu foof-daran habawdey, waxayse weydiintu tahay ilaa goorma ayay dayawga ku sii jiri doontaa?

 

Hal-abuurkeennase xilka ugu weyn ee saarani ma dhaymaha jacaylkaa?

 

Waa halkii Afrax yidhiye “ masraxa jacaylka ha la cuudiyo”.

 

 

Qalinkii :Abwaan Axmed Aw-geeddi

Dheeraad2@hotmail.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this