Sign in to follow this  
Deeq A.

M/weyne Erdogan oo soo bandhigay diyaarad dagaal oo casri ah oo uu dalkiisa sameystay

Recommended Posts

Deeq A.   

M/weyne Erdogan oo soo bandhigay diyaarad dagaal oo casri ah oo uu dalkiisa sameystay

Erdogan oo shaaca ka qaaday diyaaradda bilaa duuliyaha ee hubeysan ee uu dalkiisa sameystay
Erdogan oo shaaca ka qaaday diyaaradda bilaa duuliyaha ee hubeysan ee uu dalkiisa sameystay

Turkiga ayaa soo bandhigay diyaarad dagaal oo drone ah, taas oo qaadda hub, laguna sameeyay gudaha Dalkaas.

Madaxweynaha Turkiga, Recep Tayyip Erdogan, wuxuu sheegay in tallaabadan looga golleeyahay xoojinta awoodaha militari ee dalkiisa si ay isugu filnaadaan marka ay timaaddo howlgallada ciidan.

Wuxuu madaxweyne Erdogan yiri: “Waxaan heysanaa diyaaradda Akıncı UCAV, Turkiga wuxuu kaalinta saddexaad ka galay dalalka heysta teknooloojiyaddan”.

Diyaaradda casriga ah ee duuliyaha uusan saarnayn, waxaa sameysay shirkadda Baykar oo soo saarta diyaaradaha Drones-ka oo lagu magacaabo ee Turkiga.

Diyaaraddan cusub ee casriga ah waa mid awood leh marka la barbardhigo noocii horey uu dalkaas u soo saaray ee Bayraktar TB2, waxaana ka iibsaday dalalka Poland iyo Ukraine.

Madaxweyne Erdogan oo ka hadlayay munaasabad lagu soo bandhigayay diyaaradda ayaa sheegay in arrintan ay muujineyso guulaha ay ka gaareen soo saarista hubka casriga ee hawada, isla markaana dunida inteeda kale ay ka warheyso.

“Waaxdeena gaashaandhigga waxay kaalin weyn ka qaadatay soo bandhigidda guusha Turkiga ee 19 sano ee lasoo dhaafay”, ayuu yiri.

“Heerka aan ka gaarnay teknooloojiyadda qaabilsan hawada sare, waxay astaan u tahay guulaha iyo awoodaheena ku aadan waaxda gaashaandhigga taas oo caalamka uu ka war hayo.”

 

Wuxuu intaas ku daray in diyaaraddan cusub ee loogu magac daray Akıncı UCAV ay tahay astaan muujineyso madaxbannaanida Turkiga ee dhanka hawada.

“Waxaan halkan isugu nimid in aan soo bandhigno diyaaradda Akıncı UCAV, waa astaan cusub oo muujineyso awoodaha Turkiga ee dhanka xirfadda Injineernimada iyo madaxbanaanida dhanka hubka,” ayuu yiri Erdogan.

Madaxweynaha Turkiga wuxuu u mahadceliyay injineeradii iyo khuburradii soo saartay diyaaradda. Turkiga “wuxuu kaalinta saddexaad ka galay dalalka heystay diyaaraddan casriga ah,” ayuu yiri.

.

Difaacidda aadanaha

Madaxweyne Turkiga wuxuu sheegay in mabaadii’dooda ay tahay in ay soo saaraan teknoloojiyad kasta oo dan ugu jirto dhammaan aadanaha.

“Haddii aan nahay Turkiga, mabaadii’deena waxaa ka mid in aan adeegsanno teknoloojiyadda sidii ay waxtar ugu noqon laheyd dhammaan aadanaha,” ayuu ka sheegay Erdogan, goobtii lagu soo bandhigay diyaaradda cusub.

 

Turkiga wuxuu hadda ka hore ciidmo u diray dalal ay kamid yihiin Libya iyo Suuriya halkaas oo ay howgallo ka fuliyeen.

Madaxweynaha Turkiga oo arrintan ka hadlayay ayaa sheegay in dhibaato bani’aadanimo ay kaga hortaggeen dalalkaas Suuriya, Libya iyo Azerbaijan.

“Masiibo bani’aadanimo ayaan kaga hortagnay Suuriya, Libya iyo Azerbaijan, iyadoo lasii ambaqaadayo natiijada kasoo baxda fahanka ku saabsan hubka casriga ah.

“Waa sababta ciidamada Turkiga iyo diyaaradaha dagaalka Turkiga ee kala ah UAV iyo UCAV ay howlgal u sameeyaan iyaga oo raadinayo nabadda”.

“Turkiga la’aantiisa waxbo lagama qaban karo raadinta nabadda, amniga iyo xasiloonida gobolka iyo adduunka,” ayuu ku faanay madaxweynaha Turkiga, mar uu ka hadlayay munaasabadda xarigga looga jarayay diyaaraddan casriga ah ee hubeysan.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this