Miskiin-Macruuf-Aqiyaar

Another so-called 'badbaado' group

Recommended Posts

Ereygii badbaado ayee qiimaha iyo micnaha ka dileen.

Wararkii ugu dambeeyay xaalada magaalada Baledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan

Waxaa maanta xaalad deganaasho ah laga dareemaya magaalada Baledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan, kadib xaalad kacsanaan ah oo habeenkii xalay ahaa si weyn uga jirtay Baledweyne.

Ciidamo ka tirsan Militariga Soomaaliya iyo kuwa Hirshabeelle ayaa xalay fiidkii hore la wareegay dhamaan xarumahii muhiimka u ahaa maamulka Hirshabeelle ee gobolka Hiiraan kuwaas oo diidan imaashaha Cali Guudlaawe ee lagu waday in maanta oo Isniin ah Baledweyne si qasab ah looga dajiyo.

Waxaa sidoo kale Xalay magaalada Baledweyne ruxay boqolaal shacab ah oo isugu soo baxay banaanbaxyo xoogan oo ay kaga soo horjeedaan Hirshabeelle kuna taageerayaan ciidanka la baxay Badbaado Hiiraan ee la wareegay guud ahaan magaalada Baledweyne.

Waxaa sidoo kale isla xalay gudaha magaalada Baledweyne soo galay ciidamada daacada u ah hoggaamiyaha Kacdoonka Hiiraan Jenaraal Abuukar Xuud oo ka mid ahaa saraakiishii hore ee dowladii dhexe ee Soomaaliya, kaasoo muddo 10 bilood ah isaga iyo ciidankiisa hortaagan yihiin in Baledweyne uu yimaado Cali Guudlaawe.

Jawiga siyaasadeed ee magaalada Baledweyne ayaa si weyn isku badalay kadib markii todobaadkii lasoo dhaafay Baledweyne gaareen siyaasiyiin la sheegay iney yihiin danleey oo doonaya iney kasoo muuqdaan doorashada soo socota ee Aqalka sare iyo Aqalka hoose ee deegaan doorashadoodu tahay Hirshabeelle gaar ahaan gobolka Hiiraan kuwaas oo sidii markale ka dhex arkay sidii ay siyaasada uga soo muuqan lahayeen iney ku xiran tahay in Cali Guudlaawe ay Baledweyne ku geeyaan si qasab ah.

Dhacdadii habeenkii xalay ahaa ka dhacday Baledweyne oo si weyn looga hadal haayo guud ahaan dunida ayaa kusoo aadaysa, kadib markii ay soo baxeen warar sheegayay in si awood ah magaalada Beledweyne lagu geyn doono Madaxweynaha Hirshabeelle Cali Guudlaawe, taas oo dhalisay xaalad kale oo haddii ay sidaas dhacdo keeni karta in dagaal uu ka dhaco magaalada Baledweyne.

Xigasho

Share this post


Link to post
Share on other sites

Ninkaan kursiga Aqalka Sare raadinaayo dadkiisa uma naxaayo. 

Xildhibaan Goodax Barre oo sheegay iney go'doon ku jiraan Yuusuf Dabageed iyo Siyaasiyiin Muqdisho Ka raacay

Xildhibaan Cabdullaahi Goodax Barre oo la hadlaayay warbaahinta ayaa sheegay in masuuliyiin uu ugu horeeyo madaxweyne ku xigeenka Hirshabeelle Yuusuf Dabageed iyo siyaasiyiin dhowr ahaa oo dhawaan la tagay Baledweyne ay ku jiraan xaalad go'doon ah.

"Madaxweyne ku xigeenka Hirshabeelle Yuusuf Dabageed iyo siyaasiyiin uu ka watay Muqdisho ayaa ku jira xaalad go'doon ah kadib markii ay isku hareereeyen ciidanka lanwareegay dhamaan xarumahii maamulka gobolka, waxaana suurtagal ah in laga soo masaafuriyo magaalada Baledweyne" ayuu yiri Xildhibaan Goodax Barre.

Hadalka Xildhibaan Goodax Barre ayaa imaanaya iyadoo xalay qalalaaso xoogan ay ka dhaceen magaalada Baledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan oo ku saabsan ciidamo aad u hubeysan oo ka tirsan dowladda Soomaaliya oo la wareegay xarumaha maamulka gobolka Hiiraan.

Xaalada Baledweyne ayaa xalay aheyd mid aad u kacsan waxaana ilaa saqdii dhexe ee xalay magaalada lagu dhex arkaayay boqolaal dad weyne ah oo isugu baxay banaanbaxyo looga soo horjeedo Hirshabeelle laguna taageerayo ciidamada la baxay Badbaado Hiiraan ee ka horyimid imaashaha Cali Guudlaawe ee lagu waday in maanta si xoog ah looga dajiyo magaalada Baledweyne.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.