Miskiin-Macruuf-Aqiyaar

Dhalinyarada runtee arkaan

Recommended Posts

Dhalinyaradii mustaqbalkooda ku ciyaareen 30 sano ayaa la fahmay beentooda iyo marin habaabintooda. Why is he even concerned about this?

Wasiir Kaahin: "Xamar iyo Afgooye oo 27KM isku jiraa isma dhexgalaan"

Wasiirka arrimaha gudaha Somaliland Maxammed Kaahin Axmed, ayaa dowlada Soomaaliya ku eedeeyay in ay wado barnaamij isdhexgal lagaga dhex abuurayo dhalinyarada Somaliland iyo Soomaaliya oo aan faa'iido lahayn, sida uu sheegay.

"Waar, Xamar iyo Jowhar isma dhexgalaan, Xamar iyo Afgooye oo 27KM isku jiraa isma dhexgalaan, Baydhabo iyo Kismaayona isma dhexgalaan, Xamar iyo Baladweyne isma dhexgalaan, bal is dhexgalka Xamar iyo Hargaysa laga sameeya muxu kordhiyaa?" Ayuu yidhi wasiirku.

Wasiirka ayaa sheegay in dhalinyaro reer Somaliland ah oo magaalada Muqdisho u tagay barnaamijka isdhexgalka dhalinyarada, ee ay dowlada Soomaaliya ka shaqaynayso sida uu sheegay, ay nolol aad u xun kala kulmeen magaalada Muqdisho.

"Maaha Ibni-aadanku in uu is jaha wareeriyo, maanta xogaha aanu hayno waxa kamid ah qaar dhalinyaradeena ka mid ah oo barnaamijka lagu jaha wareeriyay, in ay imika xaalada ugu xun, nolosha ugu xun iyo dhibta ugu xun ay Xamar ku joogaan" ayuu yidhi wasiirku.

Barnaamijka isdhexgalka dhalinyarada, dhaqanka iyo fanka, ayaa kamid ahaa qodobadii lagu soo hadal qaaday wada-hadaladii aan midho dhalin ee Somaliland iyo Soomaaliya ku dhex maray dalka Jabuuti 15, Juun, 2020.

Xigasho

Share this post


Link to post
Share on other sites

Wax faido oo ka iman kara is dhex gal walanweyn majirto. So maxammad kahin Axmed is right on the money. Oo mad is dilaya oo is cunaysa oo aan dawlad dhisan karayn. Doorasho ku heshiin kari wayey. Maxaad ka dhex gali. Wa ado dhooqo lagalaya cagaha. 

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.