Sign in to follow this  
Deeq A.

Sidee ayuu madaxweyne FARMAAJO uga faa’iidayaa xil-ka-qaadista KULANE JIIS?

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda xil-gaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta xilalka ka qaaday taliyaha NISA ee Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde Cabdiwahaab Sheekh Cali iyo madaxa shaqaalaha NISA, Cabdullaahi Aaden Kulane (Kulane Jiis).

Kulane Jiis, waxa uu ka soo jeedaa gobolka lagu muransan yahay habraaciisa doorashada ee Gedo, waxaana la aaminsan yahay in uu ahaa masuulka labaad ee ugu awoodda badan hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Soomaaliya ee NISA kadib Fahad Yaasiin.

Dad badan ayaa soo dhoweeyey tallaabada uu qaaday Rooble, kuna macneeyey inay ka dhigan tahay inuu si buuxda gacanta ugu hayo awoodda dalka, islamarkaana la wiiqay madaxweyne Farmaajo.

Xubnaha soo dhoweeyey tallaabada Rooble waxaa ka mid ah xildhibaan Mahad Salaad oo ka mid ah xildhibaanada ugu saameynta badan mucaaradka, kuna qeexay inay bilow u tahay tilaabooyin kale oo lagu taabo-gelinayo dowldnimada iyo in sharcigu taliyo, sida uu hadalka u dhigay.

Mahad Salaad ayaa sidoo kale sheegay inuu rajeynayo in tallaabada uu qaaday Rooble ay tahay digniinta kama dambeysta ah ee la-siiyay taliyaha NISA, Fahad Yaasiin.

Si kastaba, Caasimada Online ayaa fahansan in go’aanka uu Rooble xilka kaga qaaday labada sarkaal, si gaar ahna Kulane Jiis ay guul-siyaasadeed dadban oo gadaal kasoo bixi doonta u tahay madaxweyne Farmaajo.

Xog lagu kalsoon yahay oo ay Caasimadda Online ka dhex heshay kooxda arrimaha doorashada ee madaxweyne Farmaajo ayaa xaqiijisay in tallaabada xil ka qaadista Kulane Jiis ay tahay qorshe uu Farmaajo ka leeyahay Jubaland iyo Puntland, ra’iisul wasaare Rooble-na uu arrintaas qeyb ka yahay.

Ujeedada arrintan ka dambeysa ayaa ah in lagu cadaadiyo Axmed Madoobe, oo dhammaan kooxda ololaha doorashada Farmaajo ka xirtay albaabka laga galo Kismaayo ee garoonka diyaaradaha.

Axmed Madoobe ayaa sideeddii bishan waxa uu garoonka Kismaayo ka celiyey diyaarad uu saarna la-taliyaha Farmaajo ee arrimaha doorashada, Cabdi Cali Raage xili ay kasoo degi rabtay garoonka.

Taliyaha booliska qeybta Jubbada Hoose, Gaashaanle Sarre Sadiiq Maxamuud oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in Cabdi Cali Raage uu qeyb ahaa abaabulka koox dooneysay inay hub sharci darro ah soo geliyaan magaalada, si ay u khal-khal geliyaan amaanka maamulka Jubbaland, oo ay ka hortageen.

Axmed Madoobe ayaa hadda laga soo xiray tallaabo kale uu Kismaayo ugu celiyo kooxda ololaha Farmaajo, haddii uu sidaas sameeyana waxay kusoo jeedin doontaa indhaha bulshada Soomaaliyeed oo idil, sida uu qorshuhu yahay

Tallaabada xigta ee qorsheysan waa in Kismaayo loo diro kooxda olelalaha Nabad iyo Nolol iyo xildhibaano taageersan Farmaajo oo deegaan doorashadoodu tahay Jubaland, Axmed Madoobe-na lagu cadaadiyo in uu oggolaado in ay Kismaayo ka dhex oleleeyaan kana tartamaan. Isla arrinkaan oo kale waxa uu ka billaaban doonaa Puntland.

Caasimadda Online ayaa ogaatay in kulan uu Rooble dhowaan Kismaayo kula yeeshay Axmed Madoobe la isku hadal qaaday arrinkan, taas oo ka careysiisay Axmed Madoobe, sababna u noqotay in Rooble uu diiday in Axmed Madoobe ama qof ka socda maamulkiisa uu ku wehliyo safarkiisii Gedo.

Rooble ayaa horey u fuliyey tallaabooyin si dadban ama si muuqda ugu daneynaya Farmaajo, waxaana ka mid ah in saddexdii xubnood ee uu soo magacaabay ee guddiga doorashada Somaliland ay noqdeen kuwa la saftay Mahdi Guuleed oo xulufo la ah Farmaajo, oo ay is-hayaan Cabdi Xaashi, ayada oo ballantu aheyd inuu soo magacaabo xubno dhex-dhexaad ah.

Waxa uu sidoo kale ku guuleystay in uu si deggan kusoo afjaro dooddii Midowga Musharraxiinta, isaga oo dhammaan dib usoo celiyay guddoonka guddiga doorashada oo uu muranku ka dhasahy, kadibna wadahadal ku dhameeyay khilaaf soo kala dhax galay Farmaajo, Guudlaawe iyo Qoor-Qoor.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sidoo kale si dadban u dilay guddigii uu u magacaabay inay baaraan askartii loo diray Eritrea, kuwaasi oo lagu damiyey cadaadiska bulshada iyo mucaaradka, kadibna aan la ogeyn halkii u uku dambeeyey.

The post Sidee ayuu madaxweyne FARMAAJO uga faa’iidayaa xil-ka-qaadista KULANE JIIS? appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this