Sign in to follow this  
Deeq A.

Duqa caasimadda Garoowe oo amar ku bixiyay in xoolaha laga saaro magaalada

Recommended Posts

Deeq A.   
Riyaha.png?resize=816%2C509&ssl=1

Duqa caasimadda Garoowe, Axmed Siciid Muuse, ayaa amar ku bixiyay in laga bilaabo maanta oo Sabti ah Garoowe laga saaro xoolaha ku dayacan gudaha magaalada.

Laga bilaabo Sabtida 19 Juun waxaa magaalada laga saarayaa xoolaha ku dayacan” ayuu yiri duqa degmada Garoowe.

Sidoo kale, wuxu dadweynaha ka codsaday, in ay gacan-siiyaan shaqaalaha iyo ciidanka dowladda hoose u xil-saartay fulinta hawshaas.

Waxaan ka codsanaynaa dadweynaha inay gacan siiyaan hawlwadeenada iyo ciidanka hawshaas loo xilsaaray”.

Tallaabadan ayaa ku soo beegmatay, iyadoo Garoowe uu ka socdo barnaamijka cagaarinta caasimadda, kaas oo la doonayo in dhir badan lagu beero magaalada si loo hagaajo bilicdeeda.

PUNTLAND POST

The post Duqa caasimadda Garoowe oo amar ku bixiyay in xoolaha laga saaro magaalada appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this