Sign in to follow this  
Deeq A.

 Aabbaha Qoyska ugu balaadhan Adduunka oo dhintay

Recommended Posts

Deeq A.   

 Aabbaha Qoyska ugu balaadhan Adduunka oo dhintay

Ziona Chana and his family in a photograph from 30 January, 2011
Chana is believed to head the world’s largest family

Nin 76 jir ah oo la aaminsan yahay inuu hormuud u ahaa qoyska ugu ballaaran dunida ayaa ku dhintay gobolka Mizoram ee dalka Hindiya.

Ziona Chana, ayaa dhintay Axaddii isagoo ka tagay 38 xaas ah, 89 carruur iyo 36 carruur oo uu awoow u yahay.

Warkan waxaa shaaciyay guddoomiyaha gobolka Mizoram, Zoramthanga, oo bartiisa Twitterka ku soo qoray tacsida.

Ziona ayaa la sheegay inuu qabay dhiikar iyo sokorow.

Dhakhaatiirta ayaa sheegay inuu Ziona aad u xannusaday isagoo jooga gurigiisa habeennimadii Axadda, wax yar ka dib markii isbitaalka la geeyayna wuu dhintay.

Waxaa jira rag kale oo iyagauna ku dooda inay madax u yihiin qoysaska ugu ballaran dunida

Inkastoo warbaahin kala duwan oo maxali ah ay ku tilmaameen inuu ninkan haystay rikoorka madaxa qoyska ugu ballaaran dunida, haddana way adagtahay in la xaqiijiyo.

With heavy heart, #Mizoram bid farewell to Mr. Zion-a (76), believed to head the world's largest family, with 38 wives and 89 children.
Mizoram and his village at Baktawng Tlangnuam has become a major tourist attraction in the state because of the family.
Rest in Peace Sir! pic.twitter.com/V1cHmRAOkr

— Zoramthanga (@ZoramthangaCM) June 13, 2021

Qoyskiisa ayaa soo jiitay dalxiisayaal badan oo ku booqdo tuulada ay ka dagan yihiin gobolkaasi oo ku yaalla waqooyi bari Hindiya.Presentational white space

Qoyskiisa ballaaran ayaa ku nool guri ka kooban afar dabaq oo 100 qol leh, sida ay ku warantay warbaahinta mxaliga ah.

Tuuladan ayaa soo jiidatay dalxiiisayaal badan oo caalamka ka kala yimid oo doonaya inay arkaan nolosha qoyskan ballaaran.

Sida ay ku warantay wakaalaadda wararka ee Reuters, Chana wuxuu dhashay 1945. Wuxuu la kulmay xaaskiisa ugu weeyn oo isaga saddex sano ka weyn markii uu ahaa 17 sano jir ah.

The Chana Mansion in January, 2011
Waxay ku nool yihiin guri ka kooban 100 qol

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this