Sign in to follow this  
Deeq A.

Dimuquraadiyada ma ku dhaqmi karnaa?

Recommended Posts

Deeq A.   

W/Q CALI MAXAMED BIIXI

Hadii aad ciyaartoy meel ku xareyso muddo sanad ah oo aad ciyaaraha dunida oo dhan aad wada daawiso (Brazil-Germany- Itali- Spain- Holland-England) iyo qaar kale oo badan oo ay qeybaan ciyaar kasta iyo xarfadii oo dhan.
Oo aad sanad Kabacdi tidhaahdo waxaad la ciyaaraysaan Team-kii Brazil ee dhabta ahaa.
Sidee Bay ula ciyaari doonaan?
Wax mayska celin doonaan?
Jawaabtu: waa maya
ee Brazil sida caruurta oo kale ayay ugu ciyaari doontaa, 20 goal-na way ka dhalin doontaa. Iyo wax ka badanba.
Waayo? Fulintu waxay u baahan tahay ,tababar fara badan .
Iyaguna wax tababar ah may soo qaadan.
Hadaba dimuqraadiyadu waxay u baahan tahay halgan iyo tababar umadeed oo muddo dheer soo qaata iyo bisayl umadeed oo siyaasadeed.
Maaha magac iyo shicaar iyo mabaaddii aanad u bislayn oo aanad dhaqankeedii lahayn.
Hadaba umadeenu well uma bisla, mana fahansana dimuqraadiyadu waxa ay tahay, dhaqankeediina ma laha .
Dimuqraadiyadu guriga iyo qoyska iyo bulshada dhexdeeda ayay ka soo unkantaa oo ka soo bilaabantaa .
Markaa barasho iyo tababar iyo halgan iyo waayo aragni iyo baahi loo qabo ayay dimuqraadiyadu u baahan tahay oo lagu gaadhaa.

Cali Maxamed Biixi
Caliwwelli@hotmail.co.uk

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this