Sign in to follow this  
Deeq A.

Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Israel oo booqday Qaahira

Recommended Posts

Deeq A.   

Wasiirka arrimaha dibedda ee Israel Gabi Ashkenazi ayaa booqasho aan la sii shaacin ku tegay magaalada Qaahira si uu dhiggiisa Masar Sameh Shoukry ugala hadlo abuurista xabad joojin rasmi ah oo u dhaxeysa Israel iyo Hamas oo maamusha Gaza.

Ashkenazi oo bartiisa Twitterka ku qoray farriin afafka Carabiga, Ingiriis iyo Hebrew ayaa sheegay in safarkiisa Qaahira uu yahay “booqashadii ugu horreysay ee rasmi ah ee wasiir arrimo dibadeed Israeli ah oo ku tago muddo 13 sano ah”.

Masar ayaa horraantii bishan kaalin muhiim ah ka qaadatay xabad joojinta u dheeysa Israel iyo Hamas, taasi oo soo afjartay dagaal socday 11 maalmood.

Saraakiil sarsare oo ka tirsan hay’adaha ammaanka Masar ayaa Axadda maanta ah u xaqiijiyay wakaaladda wararka ee AFP in hogaamiyaha Hamas Ismail Haniyeh uu isna wadahadal u iman doono magaalada Qaahira laakiin ma aysan bixin tafaasiil dheeri ah.

PUNTLAND POST

The post Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Israel oo booqday Qaahira appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this