Sign in to follow this  
Deeq A.

Hogaanka Xisbiyada Qaranka Oo Kulan La Qaatay Safiiro Iyo Dublamaasiyiin Ka Socda Dalalka Taageera Doorashooyinka Somaliland

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Hargeysa)-Hoggaanka sare ee Saddexda Xisbi Qaran ee Jamhuuriydda Somaliland ayaa kulan la qaatay Wefdi isugu jira Safiirro iyo Diblomaasiyiin ka socday dalalka Beesha Caalamka ka taageera Somaliland dimuqraadiyadda oo dalka u yimid arrimaha doorashooyinka isku sidkan.

Wefdiga ka socday saaxiibada Somaliland ayaa ay kala yihiin Wufuud ka socota 9 dawladood iyo 9 Danjire kuwaas oo ay wehelinayaan Diblomaasiyiin sarsare si ay ugu kuurgalaan arrimaha doorashooyinka JSL ee qabsoomaya 31-ka May.

Xisbiyada iyo Beesha Caalamka ayaa iska xog wareystay habsami u socodka hawlaha doorashooyinka isku sidkan, waxaana ay weftiga Beesha Caalamku tilmaameen in ay u socdaan dhiirri-gelinta Xisbiyada, is-barbar istaagga dimuqraaddiyadda Somaliland iyo la socodka sida ay u socdaan u diyaar-garowga doorashada iyo waliba sida ay u qabsoomayaan.

Dalalka Beesha Caalamka iyo Xisbiyada ayaa si weyn uga soo wada shaqeeyay sidii ay doorashadu u suurto geli lahayd, isla markaana dedaal weyn geliyay in ay Somaliland ka qabsoonto doorasho la isla wada ogol yahay oo isku sidkan.

FB_IMG_1622304759671.jpg FB_IMG_1622304732708.jpg FB_IMG_1622304710686.jpg FB_IMG_1622304705867.jpg

Waxaa Kulankaas Sadexda xisbi uga qayb galay Gudoomiye ku xigeenada 1aad iyo 2aad ee Xisbiga Kulmiye Mudane Maxamed Kaahin Axmed iyo Axmed Cabdi dheere, Gudoomiyaha Xisbiga Waddani Mudane C.raxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro iyo Gudoomiyaha ku meel gaadhka ah ee xisbiga Waddani Mudane C.qaadir Xaaji Ismaaciil Jirde iyo Gudoomiyaha Xisbiga Ucid Eng Faysal Cali Waraabe.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this